|

Shacabka Somaliland ha ka foojig naado Mashaariicda Dhawaan dhaladka ah ee Dhoobo qaadka ah ee Qalin shubatada ah

Waxaa shacabka reer Somaliland la farayaa in ay ka foojig naadaan mashaariicda iyo shirkadaha aan bireysneyn ee Xoolo urursiga ah. sida shirkada sameyska ah ee Tayeynyta Baabuurta oo aan aheyn wax shirkad lagu sheego. Kuy’e laba nin oo Pakistani ah ayaa imtixaanaya Gaadhi kasta oo Dekeda ka soo dega. Kuye ”  inta gaadhi kasta laba kaabadood la dul saaro ayaa laba Pakistaani midna hareeraha ka eeg eegayaa midna matoorka dhegaysanayaa oo dhegta la raacayaa kadibna  bireegyada tijaabinayaan oo leydhadhka shidayaan si ay mulkiilaha gaadhiga leh isu tusaan.oo cagligooda u caayaan”  bal kawarama hadii uu gaadhiguba cusub yahay oo bacdii ku xidhan tahay. Arintani waxay shacabka Somaliland caadka iyo ciiradaba uga qaadeysaa musuqa iyo xoolo urursiga ay ku caan baxday Xukuumadan hadh-dacaaran iyo inta u heelan ee ku xeeran xeyndaabkeeda madaxtooyada ee aan la mahadin.

Waxaa shacabku la yaabay markey arkeen in Shirkad ku sheegtan qalin shubatada ah ee isbaarada adag dhigatay Dekeda Berbera aaney aheyn mid  bireysan oo xalaal ah oo sharciga dalka u yaala la soo mariyey. In kasta oo curfiga iyo cadaalada xukuumada Siilaanyo ay daciif tahay hadana Waxaa cadaan ah in Xukuumada Siilaanyo ay shacabka reer Somaliland ay duudsiyeyso xaqoodii oo ahaa in shirkadaa ama mashruuc iyo shirkad walba la soo waafajiyo sharciga iyo dastuurka dalka u yaala oo baarlamaanka laga soo ansixiyo.
Iyada oo wadanku uu baahi weyn u qabo in la keeno Dekeda iyo kantarooladaba dalka oo dhan shaybaadho lagu baadho dawooyinka qariban ee dalka sida ba’an  u soo gala iyo cuntooyinka faraha badan ee u baahnaa in la baadho tayadooda iyo dhicista waqtigooda ( quality insurance ) ayey xukuumadan  isku hilan is huwan keentay Sheybaadh lagu baadho Tayada Baabuurta  oo ah ” werdi xeeladi dabo taalo ”  Bal isna kawarama Shaybaarka baadhista Shidaalka Haamaha Berbera oo isna lagu eryey Wasiirkii hore ee Maaliyada markii uu ka diiday in Mashruucaa lagu cuno Lacag gaadhaysa $ 1.5 Million doolar ah. Waxaa  labadan Mashruuc ee shaybaarada isbaarada ah  la kala  dhigtay Dekeda iyo Haamaha Shidaalka ee Berbera ay  kuu tilmaamayaan in xukuumadani dhacayso oo aaney cidna dan ka laheyn ee qorshaheedu ku qotomo oo keliya in duul hore udheregsanaa in la sii naas nuujiyo si loo sii naaxiyo oo kolba loo sameeyo qorshe gacan wadaag ah oo qusum iyo qoon ah oo qalin shubato ah oo shacabka lagu dhaco.
Wuxuu Dalka Somaliland uu hada ku jiraa marxalad kala guur ah, sidaa daraadeed Xukuumada talada haysa marna laga yeeli maayo in ay ku cel celiso in ay dad gaar ah u sameyso mashaariic dhaxal wareejin ah oo dhoobo qaad ah. Marna xukuumadan laga yeeli maayo in ay soo dhoob dhoobto shirkado aan la naadin oo aaney ganacsatada Somaliland  tar tan xalaal ah u gelin ka dibna aan golaha sharci deginta ee Baarlamaanka laga soo ansixin. Waxaa reeban oo xaaraan ah in shaqsiyaad gaar ah lagu naaxiyo dhididka iyo dheecaanka wadhatada dan yarta ah ee Somaliland. waxaa qalad ah oo qadaf ku ah dhaqanka iyo sunaha dawladnimo in shacabka indhahooda la tuso cadaaladii iyo xaliibnaantii ( transparency ) oo laaxin galay oo dhinac u ciiray oo weecsin iyo beegsin noqday.
Guntii iyo Gebagebadii qormadan Waxaan leeyahay shacabka reer Somaliland  dawladnimadu maaha in magaca iyo awooda dawladnimo la isu isticmaalo oo lagu xoogsado oo lagu ugaadhsado ee shacabow kala doorta sida illahay subxaanaa watacaalaa uu jecel yahay oo ah in xaqa lagu adimo iyo in la doorto sida ay xukuumada Siilaanyo jeceshay oo ah in ay shaadh walba iyada iyo jini boqoradeedu ay is leekeysiiyaan oo shacabku dhawaan uu noqdo dabaqado dhaqaale ahaan aad u kala fogaaday oo is xaqira. Waa in Duufaanada iyo dabeylaha isbedel doonka ahi ay si waafiya u ruxaan Xukuumadan isu boga wixii ka danbeeya maalinta 26/6/2015 oo mudo xileedkeedu ku egyahay.
Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu gey geyso!
Allow sahal Amuuraha Aakhiro Samaan Ooman baa yimiye!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

Comments are closed