Khasaare Ka Dhashay Doonni ay Soomaaliyi Saarnaayeen Oo Ku Dhacday Xeebaha Waddanka Masar
Cahira:April,11,2015(SDN/QJ)-Doon si sharcidarro ah kaga baxday Xeebaha waddanka Masar, isla-markaana ay saarnaayeen Dad soomaali ahi ayaa ku qarqoontay Biyaha waddanka Masar, sida uu sheegay Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Masar, oo lagu magacaabo, Hassam Abdul-qafar.
Afhayeenku waxa uu xusay in doontani ay ku gadoontay xeebta biyaha degmada Kufurul Al-Sheikh, waxaanu xaqiijiyay in uu ku dhintay qof Soomaali ah, Shan qof oo kalena ay soo gaadheen dhaawacyo fudud, isaga oo intaa ku daray in la soo badbaadiyay tahriibayaashii saarnnaa doontan, waxaanu tibaaxay in dadka dhaawacmay hada la dawaynayo, xaaladooda caafimaadna ay aad u wacan tahay, waxaanu Af-hayeenku carabka ku dhuftay in doontani ay ku sii jeeday xeebaha dalka Talyaaniga.
Masar, ayaa kamid ah Dalalka xilligan ay soomaalidu tahriibta ka gasho, waxana inta Badan ka Baxa Maraakiib ay raacaan Tahriibayaal tiro badan oo dalal badan u dhashay, iyagoo ku jihaysan Dhinaca Waddanka Talyaaniga.
SDN/QJ