Xaaladda Wariye Katirsanaa Warbaahinta Dawladda Somalia Oo Kooxo Hubaysani Dhaawacyo Culus Ugu Geysteen Gudaha Muqdisho
Muqdisho:April,11,2015(SDN/QJ)-Kooxo Hubaysan oo aan Haybtooda la aqoonsan, ayaa xalay fiidkii hore dhaawac culus gaadhsiiyey Wariye Farxaan Suleymaan Daahir oo ah sawir qaade ka tirsan Radio Muqdisho.
Wariyahan, ayaa la sheegayaa inay haleeleen Tiro kamid ah Rasaastii kooxdaasi ku ridday, waxana Xabaduhu kaga dhaceen Laabta iyo Madaxa, iyadoo wararku sheegayaan in xaaladiisu haatan soo hagaagayso.
Kooxihii falka geystay ayaa goobta isaga cararay, waxaana ciidanka booliska oo gaadhay halka uu falka ka dhacay ay bilaabeen howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii falkaasi ka dambeeyay, iyadoo gacanta lagu dhigay tiro dad ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dhaawaca Wariye Farxaan.
Bashiir Khaliif Gaani oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo Wariye Farxaan ku booqday Isbitaalka ayaa soo sheegay in xaaladda wariyuhu ay iminka wanaagsantahay, isla markaana la baxnaaninayo.
Dhawaanahan, waxa yaraaday Dilalkii qorshaysnaa ee Muqdisho loogu geysan jirey Wariyayaasha Warbaahinta Dawladda u shaqeeya, waxana arrintaas loo nisbaynayaa Ammaanka oo kasoo raynaya iyo Wariyayaasha oo taxadar badan samaynaya.
SDN/QJ