|

Sarkaal Sare Oo Al-shabaab Katirsan Oo Gacanta Lagu Dhigay Iyo Hutelkii Uu Ku Dhuumanayey Oo Nabadsugiddu La Wareegtay

Muqdisho:April,11,2015(SDN/QJ)-Sida ay warbaahinta u sheegeen Saraakiisha ugu sarraysa Ciidanka Nabad-sugidda Somalia, waxa gacanta lagu dhigay Sarkaalka Afraad ee ugu sarreeya Kooxda Al-shabaab, kaas oo ku dhuumanayey Hutel Kismayo Laba, iyadoo Ciidamadu la wareegeen Huteelkaas Sarkaalka laga helayna.

rkoHorjoogahan ayay ciidanka Siroonka ka war heleen in gudaha suuqa ku dhex dhuuaaleysanayo, taas oo xuraan ay sameeyeen kaddib suuragalisay in gacanta lagu soo dhigo, waxaana ay ciidanku sidoo kale howlgalka ku soo qabteen sideed qof oo kale, oo baadhitaanno dheeraad ah lagu sameynayo.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo kormeer ku tegay Hoteelada ay ciidanka howlgalka ka sameeyeen ayaa amray in gabo ahaanba lala wareego labada hotel oo lagu kala magacaabo Kismaayo Kow iyo Kismaayo Labo ee ku yaalla gudaha suuqa Bakaaraha.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo saxaafadda kula hadlay gudaha Suuqa bakaaraha ayaa sheegay in ciidanku ay sii wadayaan howlgallada lagu baacsanayo hadhaadiga Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa markale digniin u diray milkiilayaasha guryaha iyo Hoteelada ka kireynayo maleeshiyaadka Al-Shabaab in lala wareegayo hadii shaqsiyaad ka tirsan Shabaab lagu qabto guryaha ama hoteelada ay ka kireeyeen, waxaana uu shacabka uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyeen ciidanka sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Hotelka Kismaayo labo ayaa ah markii afaraad ee ay ciidanku  ka qabtaan horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Shabaab.

Ma jiraan Warar madax Bannaan oo kasoo baxay Xadhiga Sarkaalkan katirsan Kooxda Al-shabaab, waxana wali aan War sax ah laga haynin magaca sarkaalkan gacanta lagu dhigay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed