|

Madaxweyne Gaas iyo Ku Xigeenkiisa Cabdi Camey oo Khilaaf soo Kala dhex galay uu Sababay Jidh dil Taliye loo gaystay

Garowe 10.April 2015 (SDN/QJ)- Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxweynaha Puntland Cabdi-weli Gaas ayaa jidh dil xoogan u geystay taliye ku xigeenka Bilayska Maamulka Puntland.Waxaanay wararku sheegayaan in taliye xigeenka ilkaha qaar laga daadshay, feedhna laga jebshay, isla markaana uu koomo ama xaalad miyir-daboolan ah uu galay.

Gaas-iyo-CameyTaliye xigeenka ayaa daqiiqado ka hor intaanu falkaasi dhicin waxaa la sheegayaa inuu caayay madaxwenaha puntland Cabdi-weli gaas oo ay is af-dhaafeen. Gaas ayaa taliye xigaanka ku canaantay in aanuu amniga wax ka qaban, isaguna wuxuu ku jawaabay hadalo ka cadheysiiyay madaxweynaha oo caay ah.

SAADAALMadaxweyne Gaas ayaa albaabka ka baxay laakiin wax yar kadib ayaa taliye xigaanka baleyska lagu bilaabay Feedh iyo Laad. Arintan ayaa la sheegayaa inay salka ku hayso khilaaf u dhaxeeya Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa cabdi-xakiin camey.

Waxay wararku intaasi ku darayaan in masuuliyiintani isku haystaan arimo lacago la xadhiidha iyo Maamul uu Gaas dhawaan u magacaabay magaalada gaalkacyo. Sidoo kale wasiirka maaliyadda puntland ayey wararku sheegayaan in laga joojiyay in uu magaca wasaaradda wax ku saxiixo.Waxaanay tallaabadaasi ka dambeysay markuu la saftay madaxweyne ku xigeenka cabdi-xakin camay.

Isku soo wada xooriyoo arrinta mararysa gacan-ka-hadalka foosha xun ayaa u muuqata mid qabiil salka ku haysa. Waxaana maamulka Puntland la degtay qabyaaladda oo si aad u xun loo isticmaalo, la iskuna awood-sheegto.

Comments are closed