“Waa lasoo afjaray khilaafka gobollada dhexe,Waxayna Caasimadu noqon doontaa Magaalada DhuusaMareeb” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud
Dhuusa Mareeb 10.April 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud kula kulmay odayaasha dhaqanka, isagoo kala hadlay soo xulidda ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameyn gobollada Mudug iyo Galgauud.
Sidoo kale madaxweynaha wuxuu kala hadlay odayaasha sidii loo xaqiijin lahaa in shirka la qabto waqtigii uu ku dhawaaqay oo ah Sabtida soo socota.
Wuxuu tilmaamay madaxweynaha in odayaasha laga doonayo inay sii wadaan kulamada dib u heshiisiinta ah, islamarkaana ay hubiyaan sidii gobollada Mudug iyo Galgaduud ay u yeelan lahaayeen maamul loo dhan yahay.
Madaxweyne Xasan ayaa shalay sheegay in lasoo afjaray khilaaf ku saabsanaa habka loo marayo maamul u sameynta labada gobol.
Madaxweynaha oo shalay gaaray magaalada Dhuusamarreeb ayaa xusay in shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud uu 11-ka bishan ka furmi doono magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb, isagoo xusay in caasimadda maamulka loo dhisayo labada gobol ay noqon doonto magaalada Dhuusamarreeb.
Wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka kaligeed aysan awoodi laheyn habsami u socodka iyo is afgarashada ku aaddan maamulka loo dhisayo gobollada Mudug iyo Galgaduud, taas ayuuna ugu mahad celiyay dadka kasoo jeeda labada gobol.
Madaxweynaha ayaa xusay in mar walba la doonayo inay socoto dib u heshiisiinta, si loo helo nabad buuxda oo ka dhalata Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa dabayaaqadii bishii hore gaaray magaalada Dhuusamarreeb, isagoo dadka gobolka Galgaduud kala hadlay maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud
Dhuusa Mareeb SDN/QJ