|

Wasiir Waran-cadde Oo Sabab La Yaable Xilalkii Ugaga Qaaday Dhammaanba Madaxdii Degmada Wajaale, Qaar Cusubna Magacaabay

Hargeysa:April,09,2015(SDN/QJ)-Degreeto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa xilalkii ay Hayeen lagaga qaaday Dhammaanba Saddexdii Masuul ee dhinaca Dawladdaa u kala hooseeyey Degmada wajaale, iyadoo qaar cusubna beddelkooda la magacaabay.

hocWaxa xilalkoodii waayey guddoomiyihii degmada Wajaale, Xaashi Maxamed, Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenkiisii Maxamuud Sheekh Muuse Bookh iyo Xogyahihii Dawladda Hoose, Cabdinaasir Xasan Cabdillaahi, kuwaasoo xilalka hayay in ka badan 4 sanno.

Wasiirka Daakhiliga ayaa sidoo kale digreetada uu soo saaray xilalkaas ugu Md. Aadan Muuse Cilmi (Shiine) oo noqonaya Guddoomiyaha degmada Wajaale, guddoomiye-ku-xigeenkiisana Mursan Nuux Cismaan, halka Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoosena loo dhiibay Liibaan Maxamed Jibriil.

Inkastoo aan Degreetadaas lagu sheegin sababta xil-ka-qaadista Masuuliyiintaas, haddana waxa wararku sheegayaan in loo adeegsaday sababo la  xidhiidha Gaabis dhinaca Ololaha nadaafadda ah oo maalintii dorraad dalka laga hirgeliyey, waxana aan Gebi ahaanba sidii la doonayey  Wajaale uga fulin ololahaas.

Hore ayuu wasiirku ugu dhawaaaqay in ciddii si fiican u dardargelin weyda Ololahaasi ay shaqadoodi waayi doonaan, waxana Shaqadii waayey Saddexdii Masuul ee u kala sarreeyey Degmada Wajaale.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed