|

Madaxweyne Gaas Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Gobolka Mudug, Mid Cusubna Magacaabay

Garowe:Arpil,08,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyihii Hore ee Gobbolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey, ayuu Madaxweyne Gaas Xilkii Ka Qaaday, waxana uu xilkaas u magacaabay C/qaadir Shire Faarax Ereg.

kokXil-ka-qaadistan, ayaa ka dambaysay markii uu  ay soo noqnoqdeen Tallaabooyin ammaandarro ah oo ay ugu dambaysay Qarax aan Guulaysan oo shalay lala eegtay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Gobolkaas, kaas oo ay ka dhasheen dhaawacyo kala duwani.

C/qaadir Shire Faarax Ereg waxaa uu ka yimid Dalka Maraykanka, waxaana uu ku dhashay Degmada Jariiban ee Bariga Gobolka Mudug, C/qaadir Shire isaga ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in Xilka Gobolka Maanta loo magacaabay.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug ayaa lagu eedeeyay Xil Gudasho la’aan iyo ka warqab la’aanta dhacdooyinka Gobolka ka socda.

Madaxweyne Gaas ma uu sababaynin waxa keenay xil-ka-qaadista uu sameeyey, waxase shacabku aaminsan yihiin inuu madaxweynuhu dareemay Saluugga dhanka ammaanka ah ee  Gobolkaasi qabo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed