|

Mooshin Ka Dhan ah Lacagta Lagu Soo Rogay Gaadiidka Waddanka Kasoo Degaya Oo Golaha Wakiillada La Horkeeni Doono

Hargeysa:April,08,2015(SDN/QJ)-Kadib Cabasho xadhkaha Goosatay oo shacabku ka muujiyeen lacago aan sharciga loo marin oo Koox gaar ah xukuumaddu ugu ogolaatay inay lacago ka qaadaan Gaadiidka waddanka  kasoo degaya, ayaa waxa arrintaas ka gilgishay Xubno ka tirsan Aqalka Golaha Wakiillada, waxana ay ku dhiirradeen inay mooshin ka abaabulaan.

warocSida xubno katirsan Aqalka Golaha wakiilladu noo xaqiijiyeen, waxa mooshinkaas saxeexay Xildhibaanno tiro badan, waxana loo ballamay in fadhiyada soo socda golaha la horkeeno, iyadoo maanka lagu hayo taageerada uu mooshinkani Golaha dhexdiisa ka haysto.

Tirada Xildhibaanada saxeexay, ayaa lagu sheegay inay gaadhayaan 25-Mudane, waxase intaas lagu daray in mudanayaasha intooda badani ay diyaar u yihiin in arrintaas Golaha la hor keeno oo dood dheer laga yeesho, kadibna Go’aan diidmo ama ah laga soo saaro.

Mudanayaasha Mooshinkan saxeexay, ayaa ka gilgishay cabashada Shacabku ka muujinayaan Lacagahan Dekedda lagaga qaadayo ee aan shuruucdii dalka lasoo marinin, waxana ay marar badan Dadka Gaadiidka keena ashkato ugu tageen Golaha wakiillada, iyagoo ka codsaday inay shuruucda waddanka ee lagu tumanayo wax ka qabtaa.

Dhawaan ayey ahayd markii Shirkag gaar loo leeyahay oo lacago aan sharciga waafaqsanayn ka qaadaysa Gaadiidka waddanka imanaya xukuumaddu dad gaar ah u abuurtay, waxana arrintaas ka dhalatay xaasaasiyad badan oo la xidhiidha sharciyadda lacagta Hay’addani qaadayso oo noqotay mid aan Dadka gaadiidka keena u hoggaansamin.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed