“Mas’uuliyada Doorashadu Madaxweynaha ayay Saaran Tahay,Su’aashu Waxa Weeye Madaxweynuhu Ma Gutay Mise Ma Gudan” Madaxweyne Siilaanyo DAAWO
Hargaysa 08.April 2015 (SDN/QJ)- Mucaaridka Somaliland ayaa eeda dib u dhaca doorashooyinka ku Mudaysan 26 Bisha June Waxay dusha u saareen Xukuumada Gaar ahaan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay Sheegaan inay Waajib ku tahay inuu Agaasimo Saaxadii ay doorashadu ku qabsoomi lahayd.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Wuxuu Khudbadii u danbaysay ee uu labada Gole qaran ee Sharci dejinta ku soo qaaday dib u dhaca doorashooyinka oo uu eedooda isaga weeciyay Cid aanu Magac dhabin,balse loo fasirtay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada .
Hadaba Cida leh Mas’uuliyada doorashada ayuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo si faahfaahsan u Qeexay Xiligii uu Mucaaridka ahaa kulan ay ka qayb qaadanayeen Sadexda Xisbi ee Markaas Jiray oo Golaha Guurtidu kaga arrinsanayay arrimaha doorashooyinka ayuu Hadalkan ka Jeediyay,Waxay Isweydiintu tahay Yaa Leh eedaas Maanta.
Hargaysa SDN/QJ