“Doorasho Haddii Ay Dhici Waydo, Madaxwaynuhu Wuu Fadhiyayaa, Mucaaradkana Ka Yeeli Mayno Sharcigaanu ……..” Gudoomiye Muuse Biixi
Burco, 08 April 2015 (SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Haatan ku Sugan Magaalada Ceerigaabo ayaa Bulshada ku dhaqan Magaalada Burco ka hor intii aany ka Ambo bixin Waxa uu u Jeediyay Khudbad uu Si Indho adayg ku Jiro u Cadeeyay in hadii doorashadu dhici weydo aanay jirin sabab uu Madaxweynuhu ku baneeyo Xilka .
Ugu horeyn Waxaa fagaaraha kala hadlay Taageerayaasha Kulmiye Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer Mr Sahal Aadan,Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxmed Muuse Diiriye Iyo Maayirka Magaalada Burco Maxmed Muraad “Waxaan aan idiinku soo dhawaynaynaa Gobolkiina Iyo Degmadii nalaga doortay, Waxaan idin leenahay gacmo furan ku soo dhawada. Hadaanu nahay maamulka Gobolka Togdheer, waxaan Idin leeyahay dadkan isku soo baxay, waxay u taagnayeen sidii ay idin soo dhawayn lahayeen.”
Sidoo kale waxaa soo dhawaynta ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Xsibiga Kulmiye Mujaahid Maxmed Kaahin Iyo Ku Xigeenka labaad ee Xsibiga Kulmiye oo si isku mid ah ugu mahadnaqay dadkii soo dhaweeyey”Waxa aan aad iyo aad uga mahadcelinayaa sida wanagsan ee aad noo soo dhawayseen, Hadii ay noqoto ciidanka amaanka ,Hogaanka Xisbiga ,iyo Taageerasha Xisbiga Kulmiye, Waxa aan Leeyahay Maanta halka aan Taaganahay waa halkii laga soo doortay Xisbiga Kulmiye Mudadii Shanta Sanno ahaa.”
Gabagabadii waxa fagaaraha ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dareenkiisa soo dhawaynta “Waxaan idinka mahadcelinayaa sida wanagsan ee Aad noo soo dhawayseen, waxaan idin leeyahay xisbiga Kulmiye waa xisbigii Hormarka Iyo nabadgalyada. Waxaan Leeyahay haddii Doorashadu 26 Jun dhici waydo dawladu way jiraysa, Madaxwaynuhuna wuu fadhiyayaa, xoogna kuma si joogayo sharci Iyo Dastuur ayuu ku fadhiyayaa. Mucaaradka xaqooda ayaanu siinaynaa, Laakiin ka yeeli mayno sharciga ayaanu Burburinaynaa.Waxaan Leeyahay Somaliland Waa qoys, qoyskuna maahaa in kale qaybiyo, Xisbiyadana waxaa lagu tallo galay inay dadka mideeyaan.”Guddoomiye Muuse Biixi wuxuuna hadalkiisii sii raaciyay “Walaalayaal Xisbiga Waddani, waxa uu soo qaadaa oo uu yidhaahdaa Kulmiyow xasuusta wixii aad samayn jirteen markii aad mucaaradka ahaydeen, Kulmiyow waxaad samayn jirteen baanu samaynaynaa. Haddaba Kulmiye muxuu samayn jiray?, markii u horaysay ee aanu doorasho galay waxaa la yidhi 80 Cod baa la idinkaga helay ee ku dhaqaaqa,Kulmiye isagoo Somaliland xeerinaya ayuu Ogolaaday.Labadii Nin ee ugu adkaa ee Maalintaas garba duubka noo xidhay, ee yidhi Danta qaranka dhaafi maysaan waxay ahayeen Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Oo Ucid ah, way ku mahadsanaayeen oo cid ku ladqabaysa waa inaad heshaa adna u qabsoontaa…Iyagana maxaa laga rabaa?, waa inay qabsoomaan.Qodobka labaad,iyadoo taasi jirto oo aanu 5 sanno Mucaarad ahayn ayaa wakhtigii dhacay, waxaa la yidhi waa la kordhinayaa ee Kulmiyow Karkaaga la fadhiiso oo qabow, waa tii Madaxtooyada la iskugu tagay, waa nala garba duubay labada xadhig ee ugu weynaa nalagu jiiday Cirro iyo Faysal baa nagu xidhay, maalintaasna way mahadsanaayeen oo danta Qaranka ayay ka talinayeen annaguna waanu u qabsoonay.Mar labaad ayaa wakhtigii dhacay oo la kordhiyay, mar labaadkiina sidii oo kale ayaa dhacday, Mar walbana Ucid oo Faysal iyo Cabdiraxmaan isaga hooseeyeen ayaa garba duub noo xidhaayay, mana xumin, waayo markay dhibi timaado waa inaad u qabsoonto ciddaad wax wada leedihiin. Iyagu way na qabteen anana waa u qabsoonay.
Maanta maxaa yaala haddaba?.Xisbiga Waddani waa isma Jir?, Xisbiga waddani isagoo Saddex jir ah, isagoo aan doorasho qudha lagaga helin, isagoo aan maalin qudha la odhan fadhiiso ayuu karayaa”.
Burco SDN/QJ