Mujaahid Cali Guray oo Golaha Wakiilada ku Sifeeyay kuwo Burburinaya Dimuqraadiyadda Somaliland,Eedayna u Jeediyay Shirgudoonka Mucaarid & Muxaafid
Hargaysa 08.April 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa Golaha Wakiilada ku Sifeeyay Gole Ujeedadiisu tahay Burburinta Hanaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland Isagoo ku eedeeyay in Mudo Toban Sanno ah oo ay Kuraasta ku fadhiyeen aanay Diyaarin Xeerkii lagu soo dooran lahaa kuwa iyaga ka danbeeya.
Cali Guray ayaa Qoraal Kooban oo aanu ka soo Xiganay barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka dadweynaha ee Facebook Wuxuu ayaan daro ku tilmaamay in Golaha Wakiiladu ay Ajandahooda Kalfadhiga ay ku guda jiraan ku soo dareen Xeerkii lagu soo dooran lahaa inkasta oo Sida uu Xusay ay ka dhigeen Kuwa u hooseeya marka loo eego habka Mudnaanta loo kala siiyo isagoo Mas’uuliyada arrintaasna u gaar yeelay Xubnaha Shirgudoonka oo isku dhan kana Kooban Gudoomiye Cirro iyo Labadiisa Ku Xigeen Mudane Baashe iyo Cali.
Qoraalka Mujaahid Cali Guray ayaa u dhignaa Sidan:- Golahan loo adeegsado burburinta dimuqraadiyadda Somaliland xumo oo keliya ayay wakiilo u yihiin wanaag lagama malaysan karo waayo waanay u jeedin. Waxay ahayd in xishoodaan oo dalka iyo dadka mar uun tooda eegaan oy ka taliyaan.
Toban sanadood iyaga oo joogay oo aan xataa xeerkii doorashada wakiilada ee iyaga khuseeyay aan dhamaystirin ayay markii ugu horeeysay ajandaha kalfadhigoodan ku soo dareen isaga oo xaga kala mudnaanta qodobada ajandaha liiska dheer waxa ka dambeeya hal qodob oo keliya sida qaar iyaga ka mid ahi ay sheegeen. Waana arin ay shirgudoonku u dhan yihiin. Waxa laga yaabaa inay tahay xeelad cimri dherersi oo ay u dhan yihiin muxaafid iyo mucaaridku.
Waxa looga fadhiyaa xildhibaanada mucaaridka sheeganayaa inay meel cad oo aan madmadow ku jirin iska taagaan dhamaystirka shuruucda doorashooyinka iyaga oo taageeraya aragtida dhinaca xisbiyada mucaaridka ee doorasho doonka ah, Komishanka iyo qaadhaan bixiyayaashu hadba halka ay iska taagaan suurtogelinta doorasho xor iyo xalaal ah si hadii doorasho diidka oo ah inta madaxwaynaha ku xeeran aanay marmarsiiyo ugu helin carqaladaha ay doorashooyinka ugu talogaleen inay ku burburiyaan.
Taas oo masuuliyadeeda iska wada yeelan doono Madaxwaynaha ay ku andacoodaan inay taageersan yihiin siyaasadihiisana ku shaqaynayaan sidii horeba u dhacday.
Hargaysa SDN/QJ