|

“15 Heesood ayuu ka sameeyey Jacaylka dhex-maray Isaga iyo iyada!’ Qiso Xiiso leh Hal-abuur dhalinyaro ah qiso jacayl oo wakhti soo martay DHAGAYSO

Hargeysa 08.April 2015 (SDN/QJ):- Muddo ku siman toddoba sannadood ah oo ay xidhiidh lahaayeen Gabadh ay is-jeclaayeen illaaa 15 Heesood ayuu u sameeyey Jacaylkooda iyo hadba heerka ama xaaladda uu marayey. Hees weliba heesta ay ka horreyso ayay ka jewi fiicnayd, heesiba heesta ay ka horreyso ayay ka farxad, kalgacal, ammaan iyo rejo fiicnayd. Heesiba heesta ay ka dambaysana way ka dareen-darrayd ama xumayd.

Abwaan Maxamed Muxumed Ducaale 15-ka Heesood ee uu u sameeyey ama ka sameeyey dareenka Gabadha xidhiidhka jacayl dhex-maray, ayuu ka sheekeeyey, sidoo kalena waxa uu ka sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee ay isla soo mareen Intantan oo uu markii ugu horreysay-ba isagu jeclaaday, iyaduna la qaadday. Isla markaana, midkoodba midka kale u ula dhaqmi jiray sida ugu wacan ama ugu habboon amaba ugu wanaagsan ee uu ula dhaqmi karo midka kale.

Waxa uu Hal-abuur Maxamed Muxumed Ducaale, Huwiyey Haweenayda xidhiidhka dhaw iyo dareenka jacayl dhex-maray Heeso badan oo uu ku ammaanayo dhaqankeeda, quruxdeeda, dabeecaddeeda, midabkeeda, muuqeeda, qaddarinteeda, sharafkeeda iyo Jacaylka uu u qabo. Kolba waxa uu Suugaantiisa ku salaynayey marba halka ay marxaladda xidhiidhka ka dhexeeyaa marayo.

Maxamed Ducaale, waxa uu sameeyey Heeso badan oo wada ammaan ah, oo wada farxad ah, oo wada raynrayn ah oo wada rejo wanaag ah. Hase-yeeshee, sidaa ay wax u bilaabmeen, wax uguma dhammaan, Xiise ayaa beeray xadantada Jacaylka, xilli welba heer buu marayey, xilli kasta oo ay isla soo qaateenna mid walba xaaladdiisa ayaa ku lammaanayd.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed