Hooygii Aqoonta ee Gaandi Libarary ma geyo in uu noqdo maquuno naqad ah oo la isa siiyo goor madow iyo goob madow
Sida aynu wada ognahay aniga oo aan u-holaneyn una horaneyn ee ka yara sariiganaya, JSL waa degel nabdoon oo ummadda ka dhexeeya oo u baahnaa uun in taladeeda, anfaceeda , iidaankeeda iyo ilaheeda dhaqaalaha lawada lahaado oo loo sinaado oo la wada ilaashado, hadaba mudadii ay xukuumada Siilaanyo ay hogaanka dalka haleeshay waxay ku caanbaxdey Fadeexad, Fashilaad, Fidno qaawan,cadaalad daro, sinaan la’aan, iyo qaraabo kiil ku salaysan weecsin, Beegsin ,is qulaamin, qandaraas boob iyo dhul boob qariban oo ka aradan xishmad iyo xishood dawladnimo.
Alleh ummmadda haka qabto — sidii daalinkii hore dufan jecesha iyo dibno leefka inagu degay ee inagu dilaacay ! ma maqli jirteen waa duflaan iyo diir-baas oo dacas kama tegaayaan!! bal adba!! Ma caqlibaa in shaqsiyaad gaar ihi ay carbuuntaan dhulkii danta guud ee qaranka, ma caqlibaa in ganacsato gaar ihi maalaan oo laba lisaan ilihii dhaqaalaha ee ummaddan baahan iyaga oo aan ku helin sife tar-tan ah oo maxali ah oo xalaal ah, Duulkii xillalka loo hibeeyey iyana ma xaq baa in ay ku muraadsadaan? oo ay ku xoogsadaan kuna ugaadhsadaan xilalkii lagula kufay. ” Boowe waa yaabe maxaa kala haysta 4-ta idman , 4-ta xigto maal ,4-ta degel meer iyo 4-ta dabo ka nuug ee u haysta in xil gaar ihi qarankan Somaliland ka saaran yahay iyo 4-ta Million ee shacab weynaha reer Somaliland oo qurbe joog iyo qol-qol jooga isugu jira.Waxaa cadaan ah oo aan caad saarneyn in maanta ” fokaska xukuumadu ku jihaysan yahay in aan waxba loogu iman marka mudo xileedkeedu dhamaado dhawaan .”
Waxaan Shacabka reer Somaliland aan u soo jeedinayaa in dhamaan la is hortaago boobka iyo kala iibisiga Hantida maguuraanka ah ee qaranka.
Wadankan Somaliland looma xoreynin in sidii Daalinkii Dalqo weyne ee Siyaad Bare in shaadhadhka la is leekeysiiyo oo danta guud ee ummadda la xalaashado.Waxaa shacabka reer Somaliland ay la yaabeen arinkan Gaandi Libarary oo hore xukuumadu arinkiisa u soo afjartay in uu hadana soo laba kacleeyo oo 12-kii mitir ee Libararigu ku fadhiyey in muwaadinkii maalgashaday loogu hanjabo oo la duudsiyo xuquuqdiisii muwaadinnimo.
Waxaa Gaandi Libarary uu sife sharci ah ugu furnaa mudo gaadhaysa ilaa iyo 10 sanadood Mohamed Abdi ismail Gaandi oo ahaa muwaadin Somalilander ah oo isu xilqaamay sidii uu gacan mug leh uga geysan lahaa aqoonta dhalinyarada Somaliland, kaas oo boqolaal kun oo buug lacagtiisii soo geliyey si ay dhalinyarada reer Somaliland ay uga faa’ideystaan oo wax uga bartaan. waxaase nasiib daro ah in muwaadinkaa aqoonta u hiiliyey in sife sharciga baalmarsan oo hanjabaad iyo handadaad isxambaarsan huwan in xukuumadii kula kacday oo lagu amray in uu buugaagta uga gurto sida ugu dhakhsaha badan oo uu ka guuro goontaas oo ah Libarariga keliya ee ku dhexyaala Caasimada Somaliland ee Hargeisa. Waxaa shacabka reer Somaliland ka wada dheregsan yihiin in xukuumadani wada xaraashtay dhulkii danta guud ee dhaxalka iyo taariikhda ummadda JSL lagu xafidi jiray. Waxay xaraashtay kheyriyadii, waxaa la xaraashay Guryihii askarta ee line ka booliska, waxaa la xaraashay Netfish Berbera, Waxaa la xaraashay goobtii Xanaanada caruurta ee Hargeisa, waxaa la xaraashay sariibadihii qaarkood,waxa ay xukuumadu xaraashtay ilaa 100 guri oo guryihii shacabka ahaa kuwaas oo ay ka yeeshay naqad, qadhiidh iyo qudh-qudho joogto ah. Waxaa igu maqaalo ah in hadana lagu soo maqan yahay oo loo soo gur-guuranaayo Geerashkii yaraa ee mujaahid Ismail Gaameelo ee uu dan yarta farsamada ku baraayey.
Sidaa daraadeed waa in aanay shacabka reer Somaliland xukuumadan ka yeelin in shaadhadhka quruxda badan in shaqsiyaad gaar ah lagu cabiro oo la leekaysiiyo amaba loo sadqeeyaba. shacabka intiisa kalena caqligooda la caayo.Waxaan tujaarta reer Somaliland iyagana u soo jeedinaynaa in aaney maalkooda iyo hantidooda u isticmaalin tir-tirada taariikhdii hore ee shacabka Somaliland. Boobkan qaawan ee hantidii ummada jeebabka laga buuxsaday waxay nusqaan, haybad la’aan iyo sharaf dhac ku tahay habsami usocodkii haykalkii iyo hawlihii maamul ee dawladnimo. waxaa xukuumadani hanaankii dawladnimo ubedeshay hab-shirkadeed oo ganacsi ah oo sheerley iyo gacan wadaag ah lagana yeeli maayo.
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London