Xasan Sheekh Oo Sababeeyey Taageerada uu Siiyey Isbahaysiga Wada Dagaalka Ka Dhanka ah Xoogagga Xuutiyiinta
Muqdisho:April,07,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sharraxaad ka Bixiyey sababaha keenay in Dawladdiisu taageero siiso dagaalka ka dhanka ah kooxda Xuutyiinta, isla-markaana uu dhego-nugayl kaga jawaabo xodxodhasho ka timi kooxaha duulaankaas wada.
Madaxweyne Xasan Sheikh, ayaa sheegay in sababta ay u qaateen go’aankaasi uu ahaa ka hortagista in la rido dowlada sharciga ee dalka Yemen, iyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-qaacida.
“Anaga waxaan u qaadanay go’aankaasi labo arin tan koowaad waxay tahay waxaan dooneynaa in dowlada sharciga aan la ridin iyo in dagaalka Al-qaacida oo aan ka mideysan nahay dhamaanteen, midda dadka shacabka ah waxaan ka qaaday go’aan ah in dadkaasi lasoo saaro, oo aan keeno Muqdisho”ayuu yidhi Xasan Sheikh.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee xukuumada Soomaaliya, oo ay ku weerareen wasaarada arimaha dibada ee Sweden, wuxuuna sharaxay sababta dowladiisa hadalkaasi usoo saartay.
“dalka Soomaaliya wuxuu kamid yahay hayaha caalamiga ee jira iyo kuwa goboleedka, siyaasada ay ciyaareysana arimahaasi ayay ku saleysan tahay, marka anaga ma eegeyno inaan wadan qancino ee waxaan rabnaa go’aanka caalamiga ayaan raaceynaa, laakiin waxba kuma kala duwan dadka Soomaaliyeed ee jooga Sweden iyo Sacuudiga”.
Warar haatan soo baxaya, ayaa sheegay in xukuumadda Somalia ay ku dhawaaqday inay taageero siin doonto Isbahaysiga Dagaalkaas wada, waxana soo baxaya in ogolaansho la siiyey inay isbahaysigu Hawada, dhulka iyo cirkaba ka weeraraan Xuutiyiinta.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com