|

Toddobaadka Ololaha Nadaafadda Oo Maanta Somaliland Ka Bilaabmaya iyo Diyaargarawga Shacabka

Hargeysa:April,07,2015(SDN/QJ)-Toddobaadka Nadaafadda, ayaa Maanta lagu wadaa inuu Somaliland ka bilaabmo, waxana Caasimadda Dalka oo ah Halka laga hoggaamin doono la filayaa inay madaxda dalka bilaabi doonaan qashingurka.

grorToddobaadkan oo maalmo ka hor Guddi gaar ahi ku dhawaaqeen, ayaa loo asteeyey inuu muddo toddobo cisho ah socdo, waxana looga gol leeyahay in dalka lagaga tirtiro qashin iyo xashiish tiro badan oo meelo badan buuxdhaafiyey,  si loogu diyaargaroobo Maalinta Qaranimada dalka ee 18-Ka May oo diyaargarowgeeda la dareemayo.

Guddidan oo farriimo kala dambeeyey shacabka u dirayey, ayaa dhaqdhaqaaqooda laga dareemayey meelo badan oo dalka ah, waxana culayska la saarayaa caasimadda Hargeysa oo iyada ay ku nool yihiin shacabka ugu badan ee waddanka ku nooli.

Ololahan, ayaa lagu wadaa in xubno badan oo wasiirro iyo xildhibaanno iskugu jiraa hor boodaan, waxana la guri doonaan Boqolaal tan oo qashin ah oo haatan yaalla meelo Halbawle ah oo magaalooyinka dhexdooda ah.

Tallaabadan ayaa waxa si weyn uga qaybqaadan doona Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxana shaqadan maanta lagu wado in qaranku qabto si gaar ah u lahayd Dawladda Hoose, basle kuma ay Guulaysanin inay xashiiska ka gurto Waddooyinka iyo Iliiladaha Qashin-qubka ee Badhtamaha caasimadda lagu arkayo.

Xilligii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xukunka qabatay, ayaa waxa ay bilowday Ololeyaal Nadaafadeed oo uu madaxweynuhu hor kici jirey, balse taasi masii cimri dheeraan oo waxa uu kusoo afjarmay muddo toddobaadyo ah,  wixii intaas ka dambeeyeyna lama arag meel lagu hadal hayo arrimo ololeyaal nadaafadeed la xidhiidh.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed