|

Qaabkii uu ku dhashay Aasaaska Ururkii SNM Iyo Xubnihii Bud dhiga u ahaa oo ka sheekeeyay DHAGAYSO

Hargaysa 07.April 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Maalintii Shalay Somaliland looga dabaal degay Xuska 34 Guuradii ka soo Wareegtay Aasaaskii Ururkii Hubaysnaa ee Xoraynta Waddanka ee SNM.

snmMujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaan ka soo Xigtay Sharax uu ka bixiyay Macnaha ay Xarakadaasi ahayd oo u dhignayd SidanSNM waxay ahayd xarakad ama dhaqdhaqaaq shacbiya oo hubeysnaa oo ka dhashay dareenka bulsho ama shacbi ka gilgishay cadaadiskii iyo xasuuqii  Nidaamkii Siyaad Barre, shacbigaas oo ku kala noolaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. SNM waxay ku barbaartay dareenkii u kala gudbayay: Hargeysa, Burco, Muqdisho, Khaliijka, London iyo meelo kaleba. Ma jirto cid ama magaalo gaar ahaan keligeed u sheegan karta SNM. Ciidankii unugga ahaa ee ugu horreeyay ee SNM waa Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhaddii Soomaali-Galbeed. Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM wuxu ahaa Durya. SNM iyo aasaaskeediiba waa ay ka weyn yihiin wax qof, koox ama magaaloba sheegato. SNM waxa ahaa qof kasta oo aamminsanaa mabaadiida iyo ujeeddooyinka Ururka oo si dadban ama si toosanba gacan uga geystay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. SNM ma ahayn oo keliya intii tallowday ee ku hawlanayd dagaalkii hubeysnaa, bal se waxa iyaguna SNM ahaa intii halista daaqaysay ee si dedan iyo si daalacanba dalka gudihiisa uga adeegaysay, halgankana tabantaabinaysay. SNM waxa ahaa intii dibadaha ku sugnayd ee af iyo addinba halganka kaga qayb-gashay. Waxa aan marnaba bogagga taariikhda ka tirmeyn kaalintii xurmada iyo qaddarintaba lahayd ee ay raacatada iyo beeralayduba ka qaateen halgankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd. Waxa kale oo lama-illaawaan ah doorkii xurmada iyo xusuustaba lahaa ee ay haweenku ka qaateen qaybihii kala duwanaa ee halgankii hubeysnaa. SNM waxa  laf-dhabar u ahaa oo intii ku shahiidday iyo intii ku dhaawacantayba u badnaa dhallinyarada. Waa gef iyo meel-ka-dhac aragtida ah in qof kasta oo Isaaq ahaaba SNM ka tirsanaa. Haddii ay SNM taageerada iyo kaalmada ugu badan ka heli jirtay Isaaqa, waxa kale oo iyaduna hubaal ah in wax-yeello badanina qaar badan oo beeshaa ka mid ah ay Ururka ka soo gaadhi jirtay.”

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO ARAGTIDII BUD DHIGA U AHAYD AASAASKA URURKII SNM
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SNMAPRIL.mp3″]

 

Comments are closed