WAX KA BARO TAARIIKHADA HOOGMIYAHA URURKA TALIBAN MULLA OMAR
Oslo-April-06, 2015 (SDN/QJ)-Mulla Omar waa hogaamiyaha ururka Taliban ee ka dagaalama dalka Afghanistan, magaciisa oo sax ahi waa Mulla Mohammed Omar Mujahid, Sanadkii 1959 ama 1960kii ayuu ku dhashey tuulo yar oo la yidhaa Chah-i-Himmat kana tirsan gobalka Kahndahar oo dhaca konfurta dalka Afghanista, Qabiilkisu waa Tomzi oo ka soo jeeda qowmiyada Hotak. Qoyska uu ka dhasheyna wuxuu ahaa qoys saboolA oo beeraley ah, Abihii Moulavi Ghulam Nabi oo ahaa nin bulshada Gobalka ixtiraam ku lihi wuxuu dhintey, shan sano ka dib dhalashadii Mulla Omar, waxaaney markaa ka dib qoyskiisii u guureen gobalka Uruzgan. Halkaas ayaanu Mulla ka galey Madarasad uu cilmiga ka barto, lakiin wuxuu madaraasada ka tagey, markii ay Ciidmaadii Midowgii Sofeyti ay soo galeen dalka Afghanistan isagoo ka mid noqdey mujaahidiintii dagaalka la galey Cadowgaa soo duuley.
1983 ilaa 1991kii wuxuu Mulla Omar ku dhawacmay dagaalka afar jeer isagoo ku waayey mid ka mida indhihiisii. Mulla Omar ayaa ku caan baxey ridada qoriga RPG-7 (Somalidu u taqaano Baasuuke). 1994kii ayuu noqdey hogaamiyihii Mujaahidinta ilaa la soo gaadhey 1996kii oo ciidamadii Midowga Sofeyti ka huleelen dalka Afghansitan, ka dib burburkii Sofeytiska. Isla sanadkaa 1996kii waxaa Mulla Omar loo doortey jagada ah hoogmiyaha muumuninta ama Amiirul Muminun. Ka dib Qabsashadii Kabul 1997kiiwuxuu ururkii Taliban ku dhawaaqey dawlad Islaami ah oo ku dhaqanta shariicada islaamka taas oo Mulla Omar-na ka yahey hogaamiye.
Sanadkii 2001 ka markii Gulufkii Americanku hogaaminayeen weerarka ku qaadeen ururka Taliban oo ka talinayey dalka Afghanistan, ayaa Mula Omar ugu danbeysay indho cadow oo arka, isagoo weli ah hoogamiyaha ururkaas Taliban oo dagaal kula jira Xulufada Mareykanka iyo ciidamada dawlada Afghanistan. Mana jirto cid og meesha uu ku sugan yahey marka laga reebo Ciidamada u daacada ah ee Taliban oo weli dagaal kula jira Ciidamada xulufada reer Galbeedka iyo kuwa dawlada hada ka jirta Afghansitan, lakiin qaar ka mida sirdoonka reer Galbeedka ayaa aaminsan inuu Mulla Omar uu ku noolayahey Gudaha dalka Pakistan dhanka xigta dalka Afghanistan.
Wax sawira waxaa Mulla Omar laga hayaa laba sawir mana dhacdo inuu ogaalado in la sawiro. Ladaba sawir waxaa mid ahaan si qarsoodi ah loo qaadey sanadkii 1996, halka kala aan la ogeyn goortii la qaadey, welibana lagu muransan yahey inuu isaga yahey.
Sawirka Weyn waxaa la qaadey 1996kii, lakiin ka kale lama garanayo goorta la qaadey.
Osman Omar Dool
Qurbejoognews
Oslo Norway