Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ku Hanjabay inay Soo Gole Joojin doonaan Wasiirka Hawlaha Guud DAAWO
Hargaysa 06.April 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Mudane Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa Nidar ku maray inay Soo Gole Joojin doonaan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka iyo Guryaynta Somaliland Mudane C.risaaq Khaliif Axmed si ay Wax uga Weydiiyaan Tabasho ka soo baxday Ganacsatada Gaadiidka soo dejisa oo 80 dollar lagu soo kordhiyay kaas oo lagu eegayo bad qabka Gaadhiga.
Ganacsatada ayaa ku dooday in aanay diidanayn Lacagtaas balse waxay sheegeen in Lacagtaas lagu naas nuujinayo shakhsiyaad gaar ah.