Kooxo Hubaysan Oo Xalay Weerarro Khasaare Geystay Ka Geystay Goobo Ku Yaalla Magaalada Bosaso
Bosaso:April,06,2015(SDN/QJ)-Kooxo Hubaysan oo aan Haybtooda la xaqiijin, ayaa xalay fiidkii hore weerar ku qaaday Goobo ku yaalla Magaalada Bosaso, waxana Halkaas ka dhashay khasaare kala duwan.
Kooxdan Hubaysan oo lagu xidhiidhiyey inay Al-shabaab ka tirsanaayeen, ayaa weerarkooda ka bilaabay Goobta Karaama One oo Kontorol ay ku lee yihiin Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso, waxaana ka dhacay iska horimad fool ka fool ah.
Weerarka labaad, ayaa lagu qaaday guri uu Magaalada Boosaaso ka degganaa Duqa Magaalada Carmo Maxamed Cali Shire, iyadoo halkaasi lagu dilay laba ka mid ah ilaaladiisii, markii ay iska caabin ugala hortaggeen kuwii weerarka soo qaaday.
Magaalada Boosaaso waxaa xilligan ka soconaya hawlgal lagu baadigoobayo kuwii weerarka geystay, oo laga shaki qabo inay ka tirsan yihiin Shabaab, kuwaa oo marar badan weeraro ka geystay Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso.
Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka, iyagoo xaqiijinaya ammaanka, una diyaarsan inay ka hortaggan weeraro kale oo Magaalada ka dhaca.
Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta u sheegay in xalay Magaalada Boosaaso laga maqlay rasaas xoogan, oo laba dhinac is dhaafsanayen.
Dhanka kale Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in ilaa laba qof ku dhinteen iska horimaadkii xalay, waxaana jira tiro kale oo ku dhaawacantay, loona qaaday goobaha caafimaadka.
SDN/QJ