|

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo loo diiday dhaqdhaqaaq Olole u Muuqan kara iyo Xisbiga Kulmiye oo Fasax Weyn la siiyay DAAWO

Burco 06 April 2015 (SDN/QJ) Iyadoo xisbiga xisbiga kulmiye weli la nool yahay khilaaf dhexdiisa ah oo u muuqda mid uu iskala qabsaday, haatana ladhkiisu yara suuxsan yahay, ayaa hurdo dheer kadib wuxuu hogaanka xisbigu hormood ka noqday wefti xukuumadduna qayb ka tahay, oo qasdigiisu aanuu ka taganayn, galgalasho siyaasadeed, oo qiil raadis u ah mudda kordhinta iyo ambinta eeddaha dibu dhaca doorashada.

Weftigaa oo uu hogaaminayo  Gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi wuxuu lugtii hore ee safarkiisa ka bilaabay Berbera , halkaas oo uu uga sii gudbeen Togdheer, lana rajaynayo inay Sool iyo meelo kale uga sii Kicitimaan.

 

Comments are closed