Somalida ku dhaqan Xaafada Islii ee Nairobi oo Isu soo bax ku Muujiyay Nacaybka ay u hayaan Argagixisada DAAWO
Nairobi 05.April 2015 (SDN/QJ)- Weerarkii Kooxda Alshabaab ay ka gaysatay Jaamacada Gaarisa oo galaaftay Nolosha in Ku dhow 150 arday oo Masiixiyiin ah Waxa loo arkaa nacayb lagu sii kala fogaynayo Muslimiinta Kenya iyo Shucuubta kale ee Kiristaanka ah isla markaana dhexdooda looga dhigayo kuwo Cadaawad isu haya.
Somali badan oo ku nool magaalada Nairobi ayaa isu soo bax balaadhan waxay ka sameeyeen Xaafada Islii Waxa uu qasdigoodu ahaa sidii ay Shacabka Reer Kenya ula Wadaagi lahaayeen Murugada ka dhalatay Xasuuqaas,Waxaa kale oo ay ku cel celiyeen in diinta islaamku tahay Diin nabadgalyo.