Kulmiye oo Olole Kaambayn ka Wada Gobolada iyo Warbaahinta oo laga hor joogsaday inay Tebiyaan dad ka soo horjeeda Ololaha DAAWO
Burco 05.April 2015 (SDN/QJ)- Mas’uuliyiinta Xisbiga Talada haya ee Kulmiye oo socdaal ku maraya gobolada dalka ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyey Xarunta gobolka Togdheer ee Burco.
Qaybo ka mid ah Shacabka Magaaalada Burco ayaa ka soo hor jeestay ololaha Xisbul Xaakumka kulmiye ku marayo Gobolka Togdheer hasa yeeshee Saxaafada Madaxa bannaan ayaa ku doodaysa in Ciidamada Amaanku ka hor joogsadeen tebinta dhacdadan.