Kulan ay Isku Wajahayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Ingiriiska iyo Walaaca Madaxtooyada Somaliland
Hargeysa, 05 April 2015 (SDN/QJ)-Wasaaradda arrimaha dibada dalka Ingiriiska oo ka walaacsan dibu dhaca doorashooyinka somaliland ayaa lagu waddaa inay is waajahaan madaxweynaha somaliland oo ay ka wada hadlaan amuurtaa.
Siday sheegeen warar ay faafiyeen warbaahinta qaarkeed, waxa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu martiqaadka wasaarada arrimaha dibada ingiriisku soo gaadho madaxtooyadda, isla markaana la filayo in markaa kadib uu madaxweynuhu tegi doono dalkaa.
Hase yeeshee waxa la saadaalinayaa in madaxtooyada ay u yaalaan su,aalo badan oo ka jawaabistoodu ay ku adkaan doonto haddii aanay haynin qancin buuxda oo la xidhiidha dibu dhaca doorashada iyo dibu dhac hor leh oo ishaarayo haddii muddo kordhin siyaasadeed oo aan ku salaysnayn qorshaha komishanka la sameeyo.
Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda haynin jawaab cad oo aan ka ahayn, gudoomiyaha wakiiladda ayaa dib u dhigay doorashada, kelmadaas oo ah halhayska ugu wayn ee ay ku celceliso. Dhanka kalena aqlabiyada golaha wakiiladda ayaa ah muxaafid taabacsan madaxtooyada, taasoo golaha wakiiladda ka dhigtay mid meel mariya waxa madaxtooyadu rabto oo keliya.
Hargaysa SDN/QJ