Xisbiga Waddani Oo Dhaleecayn Kulul Dusha Ka Saaray Ha’yad Baadhis Ku Samayn Doonta Gaadiidka Dalka Imanaya Oo Xukuumaddu Dad Gaar ah Ku Naas nuujinayso
Hargeysa:April,05,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si kulul u dhaleeceeyey mashruuc ay xukuumaddu dhawaan kusoo rogtay Gaadiidka waddanka kasoo degaya, kaas oo lacago aan hore waddanka uga jiri jirin la dul dhigay gaadiidka.
Xoghayaha warfaafinta Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (boobe)oo warbaahinta u akhriyey warsaxaafadeed kooban oo ay arrintaas ku dhaleecaynayaan, ayaa sheegay in mashruucaasi yahay mid gef iyo deelqaaf ku ah bulshada danyarta ah ee waddanka, waxana uu ka digay in dadka lagu hirgeliyo mashaariic aan sharciga waafaqsanay.
Mudane Boobe waxa uu tilmaamay in mashruucani yahay dabin xukuumaddu ku boobayso Hantida umadda, isla-markaana aanu mashruucan la tallaabsanaynin waaqiciyadda waddanka ka jirta,
“ waxanu ka Hadlaynaa mashruucan dabinka noqday ee u eg ibaarooyinkii ee la yidhi waxa lagu ilaalinayaa tayada gaadiidka. Xukuumaddeenana fadhiidka ahi ta ay keentaaba tii kale ka daran, indhaheena qaawanna waa ku aragnaa inaanay baabuurta dalka timaadda iyo ta socotaa midna ahayn, albaabada waddada xigga ee basaska ayaa markhaati cad u ah, isteerinka dhinaca gurracan ku yaalla ayaa markhaati kale ah.” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Mujaahid Boobe oo Hadalkiisa sii wata ayaa Bayaamiyey in mashruucani yahay mid gebi ahaanba Baalmarsan shuruucda waddanka, isla-markaana Hay’adda loo xidhay tahay mid aanay Hay’adihii ku shaqada lahaa lasoo marinin, waxana uu xusay in loo xidhay dad miirta dhiigga danyarta, waxana uu yidhi,
“ tuhunku meel kale kama imanine xukuumadeena danteed-raac iyo danteed ma og mishiino iyo pakistaaniyiin ayey usoo kiraysatay si ay u imtixaanto tayada baabuurta soo degta oo ay u qaaddo $80-dollar oo aan geedna loogu soo gabban, Hay’adda xilkan gudanaysaa ma binaysna oo sharci ay ku dhisan tahay ma jirto, golaha wakiillada ma ay soo marin, dhismaheeda lama naadin oo tartan xalaal ah looma gelin. Goor madow ayaa meel madow lagu bixiyey, waxana loo malaynayaa in loo xidhay dad loo roon yahay oo lagu naasnaajiyo dheecaanka Wadhatada.”
Waxa uu Boobe ku Yidhi Warsaxaafadeedkiisan in gaadiidka dhulka jooga tayadiisa ay ugu liidato in gacanta Dawladda ku jirtaa, isla-markaana cidda Baahida ugu weyn ee Gaadiidka la marinayaa tahay inta Dawladdu leedahay, waxana uu yidhi,
“Baabuurta dalka ka Hawlgashaa ha wada liidatee waxa aan muran ku jirin inay ugu liidado inta xukuumaddu wadataa oo mararka ay ku agmarayaan aad mooddo in kooxdii Durdur ay agtaada ka tumayso.
Waxa uu taxay Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani dhammaanba qiimayaasha muddadii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirey sida joogtada ah loogu kordhinayey Gaadiidka waddanka imanaya oo ka badan qiimaha lagu cashuuri jirey xilliga Dawladihii hore, waxana uu yidhi,
“Bal eega Korodhsiimooyinkan aan Garawshiiyaha lahayn eega, 2010-kii ka hor baabuurka toyotaha waxa lagu cashuuri jirey $1400, maantana waa $ 3400. Markii waxa uu ahaa $750, maantana waa $1550, Zuzuki waxa uu ahaa $950, maantana waa$950. Haddana Guuleed waa Warramayaa Guulna waa Akhriyayaa.”
Dhaleecaynta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa timi ayaamo kadib markii xukuumaddu dad gaar ah u xidhay Baadhitaanno la sheegay in lagu samayn doono Gaadiidka waddanka imanaya, waxana arrintaas si weyn uga soo horjeestay Ganacsatada Gaadiidka keenta oo sheegtay inaanay arrintaas aqbali doonin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com