|

Uhuru Kenyata Oo Hanjabaad Culus Xalay Jeediyey, Ballanna ku Qaaday Inuu Jawaab Adag Ka Bixin Doono Weerarkii Garrisa

Nairobi:April,05,2015(SDN/QJ)-Kadib weerarkii dadka badani ku dhinteen ee Kooxda Al-shabaab ku qaadeen Xarunta Jaamacadda Garisa, ayaa waxa uu Madaxweynaha Dalkaasi Uhuru Kenyata Xalay Soo Fadhiistgay Telefishanka Qaranka Dalkiisa, waxana uu ku hanjabay inay bixin doonaan Jawaab Kulul oo Weerarkaas ka dhan ah.

uhuruWuxuu tilmaamay in dadka taageerada ku bixinaya weerarada ka dhacaaya dalka Kenya, ay ku dhex jiraan bulshada reer Kenya, loona baahan yahay in dadkaasi halmeel looga soo wada jeesto.

Madaxweynaha waxa kale oo uu sheegay in la jooggo xilligii dadka reer Kenya ay ka wada qayb qaadan lahaayen la dagaalanka argagaxisada, si looga gudbo khatarta ay ku yihiin dalkaasi Kenya, sida uu sheegay.

Waxa uu ka dhawaajiyay in argagaxisada aynaan halis ku ahayn dadka aan Muslimka ahayn oo keliya, balse ay khatar ku yihiin Muslimiinta, ayna hore dad Muslimiin ah ugu dhex dileen Masaajido, malcaamado/dugsi Qur’aan iyo weliba guryahooda.

Ka dib weerarkii Jaamacadda Garissa, ayuu sheegay inay kulamo ka yeesheen wixii ay noqon laheyd falcelinta Kenya ka bixineyso weerarkasi, isla-markaana ay falcelinta Kenya noqon doonto mid kulul, sida uu tilmaamay.

“Hogaanka wadankan waxay si joogto ah u falanqeynayeen, sidii jawaab looga bixin lahaa khatar ku timid dalkeena. Dowladeeda waxay balanqaadeysaa in jawaab kulul ka bixiso weerarkii Jaamacadda Garissa.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Kenya.

Uhuru Kenyatta wax tafaasiil ah kama aanu bixin nooca ay noqon doonto jawaabta kulul, balse waxa uu muujiyay in Kenya ay Al Shabaab ula dagaalami doonto, si ka duwan sidii hore.

Dhanka kale Madaxweyne Kenyatta, ayaa xalay ku dhawaaqay saddex maalin oo baroordiiq loo sameynaayo, dadkii faraha badnaa ee Khamiistii lagu laayay weerarka Jaamacadda Magaalada Garissa.

Weerarka Jaamacadda Garissa lagu qaaday, ayaa waxaa lagu fasiray noociisii ugu khasaaraha badnaa, ee Shabaabku ka geystaan Magaalooyinka Kenya.

Warbixin ay maalintii shalay soo saartay Al Shabaab, ayaa waxaa lagu sheegay in fariintoodu uu yahay mid uu dhiig la socdo, isla-markaana aanu ahayn mid ereyo oo keliya ku eg.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed