|

“Waxaanu ku baaqaynaa in Qoxootiga Soomaaliyeed laga raro Dhadhaab” Hogaamiyeyaasha Siyaasada Somalida Kenya

Nairobi 05.April 2015 (SDN/QJ)- Hoggaamiyeyaasha siyaasadda gobolka ay Soomaalidu ka degto dalka Kenya ayaa weydiistay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta in qoxootiga Soomaaliyeed laga raro dalka Kenya, kaddib markii ay sheegeen in xeryaha Dhadhaab ee ay Qoxootigu ku deggen yihiin ay noqdeen goobaha laga soo abaabulo weerarrada Al-shabaab ka geysanayso gudaha Kenya.

 

Aadan_Barre_DucaaleXubnaha codsigan jeediyay oo ah 22 hoggaamiye o uu hogaaminayo Aadan Barre Ducaale oo ah xildhibaan laga doorto Gaarisa, iyagoo xusay in la joogo xilligii madaxweynuhu uu ku dhawaaqi lahaa in qoxootiga laga saaro Kenya, taasoo xakameyn karta weerarrada ka dhacaya gudaha dalka.

 

Sidoo kale, xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa ka dalbaday QM inay gudaha Somalia ka dhisto xeryo ay dejiyaan Qoxootiga Soomaalida ah ee ku jira Dhadhaab, isagoo xusay in kooxaha argagaxisada ah ay xeryahaas u isticmaalaan meelo ay ku tababartaan, kana soo abaabulaan  weerarada ka dhacaya gudaha Kenya.

 

“Waxaan diyaar u nahay in wax laga bedelo sharciga dib u celinta qaxootiga, waxaana u sheegaynaa madaxweynaha in hoggaamiyeyaasaha gobolkan ay sai buuxda u taageerayaan qorshaha xukuumadda ee la dagaalanka kooxaha argagaxisda ah,” ayuu yiri xilhdibaan Ducaale.

 

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waa nasiib-darro weyn in 147-qof oo ahaa arday aan waxba galabsan ay ku baxaan gacmaha argagaxisada. Kooxahan argagaxisada ah waxay mar walba ooa y soo weeraraan dalkan u kala saran shacabkiisa Muslim iy kuwo aan muslim ahayn. Iyago mar walba ku dilaya gudaha Soomaaliya tobannaan kun oo Somali Muslimiina ah.

 

Hoggaamiyeyaasaha gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa hadalkan ka sheegay dibadbax ka dhacay dugsiga hoose ee Gaarisa, iyagoo weydiistay shacabkii ka qayb-galayay dibadbaxa in laga dhex-saaray xubnaha Al-shabaab xiriirka la leh. Iyagoo dhanka kalena ka dalbaday hoggaamiyeyaasaha diinta inay u sharraxaan shacabka waxay diinta Islaamku ka qabto falalka Al-shabaab ay geysanayso.

“Gaarisa waxaa ku yaalla in ka badan 1000 masaajid, waxaana imaamyada masaajiddan ugu baaqayaa inay shacabka horyimaadaan si ay uga hadlaan sida adage e ay uga soo hrjeedaan dhibaatooyinka Al-shabaab,” ayuu yiri guddoomiyaha Gaarisa, Nadiif Jaamac oo goobta ka hadlay.

Jaamac ayaa sidoo kale hoggaamiyeyaasha siyaasadda gobolka ka dalbaday inay dib ugu laabtaan xarumahoodii ayna keenaan xal weerarrada ay Kenya ka geysanayso gobolka looga hortago. Wuxuuna sheegay in weerarrada ay sabab u noqdeen in dhaqaalihii gobolka uu hoos u dhaco.

Guddoomiyaha Mandheera, Cali Robo oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri. “Waa inaan si wadajir ah ula dagaalanno argagaxisada, waa inaan sugin oo keliya ciidamada booliiska iyo dowladda, waayo Al-shabaab waxay dilayaan waa shacabkeennii, waxay doonayaanna waa in gobolladeennu ay noqdaan kuwo laga cararo.”

Xildhibaannadii goob-joogga ahaa waxaa ka mid ah; Aadan Barre Ducaale oo Gaarisa laga doorto, Maxamed Shidiye oo laga doorto Lagdheera, Maxamed Daahiye oo laga doorto Dhadhaab, Gudoomiyaha Gaarisa, Nadiif Jaamac iyo guddoomiyaha Mandheera, Cali Ibraahim Robaa.

 

Comments are closed