Khasaarihii ka Dhashay Jaamacada Gaarisa oo Kordhay iyo Maydad hor leh oo la Helay SAWIRO
Gaarisa 04.April 2015 (SDN/QJ)- Wararkii ugu dambeeyey ayaa tilmaamaya in khasaaraha dhimashada ee weerarka jaamacadda Gaarisa uu gaadhay ilaa 200 oo ruux ka dib markii meydad hor leh laga helay qaar ka mid ah dhismayaasha Xarunta.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xaaladda ay hadda ku sugan tahay Jaamacadda iyo cidda gacanta ku heysa. Waxaanu Wasiirka Amniga gudaha uu ku dhawaaqay in la soo afjaray weerarka balse ilaa hadda ma jiraan ilo ka madaxbanaan Xukuumadda oo cadeynaya jiritaanka warkaas.
Ciidamada Amaanka iyo kuwa Military-ga ayaa gebi ahaanba bandow ku soo rogay Magaalada Gaarisa, Isla markaana wariyeyaasha iyo dadka u diiday in ay u soo dhawaadaan dhismaha Jaamacadda oo qiyaas ahaan 4km u jirta magaalada.
Ciidamada ayaa sidoo kale jaray isgaadhsiintii magaalada sida ay ku warramayaan wariyeyaasha halkaas ku sugan, Waxaana adag in la helo macluumadka rasmiga ah ee ku aadan in weerarku uu socdo ama la soo gabagabeeyey.
Weerarkan ayaa noqonaya midkii ugu xumaa ee ka dhaca dalka Kenya tan iyo markii uu dhacay weerarkii Safaaradda Mareykanka ee Nairobi 1998-dii xilligaas oo la dilay wax ka badan 224 ruux.
Dad badan ayaa rumeysan in weerarkan lagu qaaday Jaamacadda Magaalada Garissa ee Moi University aanu ka khasaare yaraan doonin midkii 1998-dii, inkastoo ay dowladda Kenya isku dayeyso in itaalkeed ay qariso khasaaraha xoogan ee ka dhashay Weerarka.