|

Meydka Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliska Oo Maanta La Filayo In Dalka Dib Loogu Soo Celiyo

Hargeysa:April,04,2015(SDN/QJ)-Maanta oo sabti ah, ayaa lagu wadaa in Magaalada Hargeysa laga soo dejiyo Meydka Alle haw naxariiste Marxuum Cilmi Rooble Furreh(kabaal) ooh ore u ahaan jirey Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland.

PRORGuddi uu Madaxweyne Siilaanyo u saaray qaban qaabada aaska marxuumka, ayaa sheegay in maydka marxuumka madaarka Hargeysa laga soo dejin doono barqada maanta, waxaana isla maanta lagu aasi doonaa oo maydkiisa la gayn doonaa xabaalaha magaalada Borama oo uu marxuumku ku dardaarmay in lagu aaso.

Alle haw naxariiste Marxuum Cilmi Kabaal ayaa laba goor noqday taliyaha guud ee ciidanka Booliska isagoo ka qayb qaatay dhismaha ciidanka Booliska iyo weliba nabadayntii beelaha Somaliland. Alle haw naxariisto Marxuum Cilmi Rooble Furre oo sidoo kale ahaa suldaan ka mid ah salaadiinta reer Somaliland.

Aaska Marxuumka, ayaa la filayaa inay ka qaybgeli doonaan Masuuliyiin xukuumadda katirsan iyo kumanaan kamid ah shacabka Reer Somaliland.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed