|

Jawaabta Madaxweyne Xasan Sheekh Ka Bixiyey Weerarkii Garisa Oo Noqotay Cambaarayn Aan Afka Dhaafsiisayn

Muqdisho:April,03,2015(SDN/QJ)-Jawaabta uu Madaxweynaha Somalia ka bixiyey Weerarkii Jaamacadda Garisa, ayaa noqotay cambaarayn, waxana uu muujiyey inuu arrintaas ka xun yahay.

dorcMadaxweynuhu waxa uu tacsi u diray Madaxweynaha waddanka Kenya iyo shacabkiisa, waxana uu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ka dhacday Jaamacadda Garisa university.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ka xun tahay weerarkaas, isla markaana ay garab taagan tahay dowladda Kenya.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxaan tacsi u diraya , murugadana la qeybsanayaa qoysaska iyo eheladdii dadkii sida arxan darrada ay u laayeen argagixisada shar- wadayaasha ah, Waxaan dadka dhaawacmey u rajeynayaa caafimaad buuxa oo degdeg ah”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay falkan, kuna tilmaamey mid waxashnimo ah oo aan diin iyo dhaqan wax lug ah ku lahayn.

Waxaa uu Madaxweynahu intaa ku darey in weerarkan muujinayo sida loogu baahan yahay in la sii dardar-geliyo iskaashiga labada dal ee dagaalka lagu burburinayo kooxaha argagixisada oo gobolka iyo caalamkaba khatar ku ah.

“Waa hubaal inaan ka adkaan doonno argagixisada, Kenya waa dal aan walaallo nahay oo inoo soo gurmadey, taageeradaas ayayna kooxaha argagixisada ka soo horjeedaan. Ujeedka argagixisada waxa weeyaan inay ina niyad jebiyaan, taasina ma dhaceyso, oo waxaa inaga go’an inaan baabi’inno, si shacabka gobolkan ku dhaqan ay nabad iyo horumar u gaaraan”.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah u garab taagan yihiin walaallahooda reer Kenya, xilligan adag ee ay ku jiraan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed