Muxuu Danjire Amerika ka Yidhi Xilka-qaadistii shalay ay ku Sameeyeen Golaha Wasiirrada iyo Waliba Ninka Loo Dhiibay Shaqadiisii?
Nairobi:April,03,2015(SDN/QJ)-Maxamed Cali America oo ahaa safiirkii hore ee Soomaalida u fadhiyey Magaalada Nairobi, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Xil-ka-qaadis maalintii shalay ay ku sameeyeen Golaha Wasiirrada.
Waxa uu sidoo kale ka Hadlay Jamaal Xasan oo ah ninka lagu beddelay, waxana uu tilmaamay inuu si weyn ugu faraxsan yahay ninka shaqadiisii loo dhiibay.
Maxamed Cali oo bartiisa facebook soo dhigay farriin kooban ayaa sheegay inuu aqbalay uuna soo dhoweynayo go’aanka golaha wasiirada Soomaaliya.
Farriinta uu saaka soo dhigay Facebook, ayaa u qorneyd sidan:-
“Subax wanagsan, JIMCO wanagsan.
Waxan soo dhowaynaya magacaabista ay Golaha Wasiiradda shalay u soo magacabeen saxibkay Ambassador Gamal Hassan , Safirka cusub ee Somaliya wakiilka ugu noqon doona Kenya. Shalay Ayan u hambalyeyay Ambassador Gamal Hassan. Waxan aad ugu mahadcelinayaa diblomasiyinta iyo shaqalaha ka shaqeeya Safarada oo maalin iyo habeen u tagaan u adeegista jaaliyaada Somalia ee Kenya. Sidii kale waxaan u mahadcelinaya ganasatada Somaliyeed ee Kenya sida wanagsan ay ugu gargareen qaxotiga Somaliyeed”.
SDN/QJ