Mujaahid Ibraahim Dhegoweyne Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhig Xukuumaddu u Geysatay Wiil u Dhalay Muj. Axmed Diiriye
Hargeysa:April:03,2015(SDN/QJ)-Mujaahid Ibraahim Xusen Dhego—weyne, ayaa si kulul uga hadlay Xadhig Xukuumaddu kula kacday Wiil uu dhalay mujaahid Axmed Mire, kaas oo la sheegayo in xadhigiisa uu amray Wasiir Waran-cadde.
Mujaahidka oo arrintan kala hadlay qaarka mid ah warbaahinta, ayaa sheegay inaan arrintaasi wax la qaadan karo ahayn, isagoo xusay inuu wiilka uu dhalay Mujaahid Axmed Mire kamid yahay Berima-geydada Dalka, isla-markaana xadhigiisu mustaxiil yahay haddii aanu jirin dembi culus oo uu galay.
“Lama aqbali karo in maalin walba hagardaamo deelqaaf iyo gardaro loo gaysto birmagaydada SNM,xadhiga ina Axmed Mire iyo tacadiyadii hore loo gaystay ma noqon doonaan kuwo si fudud loo ilaawo” ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim Dhegoweyne.
Mujaahidka ayaa intaas ku daray inuu cambaarayeeyo falkaas lagu xidhay wiilkaas lagu magacaabo Maxamed Axmed Mire, isagoo tilmaamay inay xukuumadda caado u tahay inay maxaabiis ka dhigto cidkasta oo dalka karaamo ku lahayd.
Wiilka uu dhalay Axmed Mire ,ayaa la shegay inuu ka yimi dhinaca dibada ,Saacado ka dibna loo soo celiyay xorriyadiisii, waxana sababta xadhigiisa lagu sheegay muran laga geliyey dhul uu lahaanshihiisa sheeganayo oo ku yaalla magaalada Hargeysa.
SDN/QJ