Xeebaha Saylac iyo Lughaya oo laga Mamnuucay in Qaxootiga ka Yimaada Yemen aanay ka soo Degin
Saylac, 02 April 2015 (Ogaal)-Taliyaha ciidamada badda Somaliland Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo safar ku tagay magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal, ayaa amar ku bixiyay, in qaxooti ka yimaada wadanka Yemen ee soo gaadho magaalooyinka Saylac iyo Lughaya, aan loo ogolaan in ay doonyaha ka soo dagaan, loona soo leexiyo magaalada Barbara.
Taliyaha oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Badda ee xeebaha galbeedka Soomaliland iyo taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Salal Maxamed Cabdi Liibaan, ayaa u sheegay in ay suurta gal tahay in ay ku soo dhuuntaan qaxootiga, xubno ka mid ah kooxda Alqaacida oo saldhigyo ku leh wadanka Yemen, iyo in hub lagu soo qariyo doomaha qaxootiga sida, sidaa daraadeedna lagu baadhi doono dadka qaxootiga ah iyo doonyaha sidaba magaalada Berbera, iyadda oo ay dawlada Somaliland qorshaysay in la dejo hadii ay qaxooti yimaadaan, Abdaal, Dacar budhuq iyo Sheekh.
Guud ahaan magaalooyinka ku teedsan xeebta Badda Cas ayaa ay gaadheen magaalooyinka Jabuuti iyo Barbara, lana filayo in looga yagleelo xeryo qaxooti, dadka dagaankuna ka helaan shaqooyin, hay’adaha qaxootiga, iyo in ganacsiga dagaanadaasi kor u kaco. Amarkan taliyaha ayaa meesha ka saaraysaa, in ay shacabka magaalooyinka Saylac iyo Lughaya, ka qayb qaatan martigalinta Qaxootiga, kuna waayaan shaqooyin ay ka heli lahaayeen, ha’yadaha qaxootiga, iyo in ganacsiga magaalooyinkaasi furfurmo korna u kaco.