|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Markii 1aad ku Dhiiraday inuu Saxeexo Qisaas lagu fulin doono Gacan Ku dhiiglihii dilay Ganacsade Xuseen Gacmo dheere

Hargeysa, 31 March 2015 (SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay qalinka ku duugay fulinta warqadii qisaas ahayd, ee lagu fulin lahaa Gacan ku dhiigle Maxamed Cabdillaahi Cabdi oo 23 bisha March dil ugu geystay tuulada Qoto oo ka tirsan degmada Sabawanaag oo ka mid ah Gobolka Maroodijeex, Marxuum Xuseen Maxamuud Caawaalle (Gacmadheere) oo ka mid ahaa ganacsata xoolaha dhoofisa oo si aad ah looga yaqaanay gayiga Soomaalidu degto, isla markaana u socday mashaariic ay ka soo dhagax dhigayeen degmadda Oodweyne.

siilaanyo saxeexXildhibaan Xaashi Xuseen Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland oo xalay wargeyska Ogaal xidhiidh la samaayay ayaa xaqiijiyay inuu Madaxweynaha Somaliland shalay saxeexay qisaasta gacan ku dhiiglaha “Madaxweynuhu maanta (shalay), wuxuu saxeexay faylkii gacan ku dhiiglaha, waxaana fadheesanaya gudidii nabadgalyadda, waxayna dib ugu dhacday wasiir Xirsi oo maanta iimanayaa, marka caawa ayay fadhiisanayaan, shirkooduna wuxuu daaran yahay sidii loo fulin lahaa qisaasta.”

Xildhibaanku wuxuu intaa sii raaciyay Hadalkiisii “Aniga iyo dhowr suldaan oo beesha ka mid ah, waxaanu tagnay madaxtooyadda, Madaxweynahana waxaanu ku nidhi, maadaama oo aad saxeexday, markay isku timaado guddida nabadgalyaddu, waa in iyaguna go’aan degdeg ah qaataan isla toddobaadkanbaa, oo aanay noqon wax sii jiita, waayo culayska ina saaran awgeed si aynu u ilaashano nabadgalyadda, anan culayska na saarani nooga dego, madaxweynuhu wuu nala qaatay fulinta qisaasta.Isla markaana waxaanu u tagnay ehelada Marxuunka oo ka mid ahaa culayska na saaran iyaguna way ku qanceen warkii aanu gaynay.Marka waxa aynu sugnaaba waa qisaasta.”

Dhinac kale, Maxkamadda ciidanka Somaliland 24-kii bishan dil toogasha ku ridday Maxamed Cabdillaahi Cabdi oo lagu soo eedeeyay dilka ganacsade Xuseen Gacmo-dheere oo laba casho ka hor lagu dilay tuulada Qoto ee gobolka Maroodi-jeex.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada, Yuusuf Faarax Sharmaarke ayaa sheegay in askarigii xabadda ku riday marxuuum Gacmo-dheere lagu xukumay dil toogasho ah, halka askarigii kalena lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah“Maxkamadda Ciidamadda qalabka sida waxay xukun ku riday laba askari oo ku eedeysan inay dileen muwaadin ganacsade ah oo magaciisa la odhan jiray Xuseen Gacmo-dheere, waxana eedaysanaha kowaad ee dilka geystay gacan-ku-dhiigle Maxamed C/llaahi Cabdi oo Askari Booliis ah; waxaa lagu xukumay dil toogasho ah. Alifle Maxamed Axmed Ismaaciil oo isna ah askari boolis ah oo isagu askarigan dilka geysta u sheegay been ah in kaantaroolkii ay joogeen xoog lagu jiidhay, isla markaana u qaylo dhaansaday askariga dilka geystay waxa lagu xukumay 10 sanno oo xabsi Militari ah, waxa kale o lagu eedeeyey inuu sameeyey amar diido taas oo iyaduna xukunka sii kordhisay “, ayuu yidhi Gudoomiyaha maxkamadaha Ciidanka sharmarke.

Sidoo kale, 25-kii March oo ku beegnayd maalin khamiis ah ayay maxkamada ciidamad qalabka sida darajadeeda labaad xukun dil ah ku riday gacan ku dhiigle Maxamed Cabdillaahi Cabdi iyo Alifle Maxamed Axmed Ismaaciil oo isna ah askari boolis ah oo isagu askarigan dilka geysta u sheegay been ah in kaantaroolkii ay joogeen xoog lagu jiidhay, isla markaana u qaylo dhaansaday askariga dilka gaystay, isagana lagu xukumay 15 sanno oo xabsi Militari ah.”

Comments are closed