|

Madaxweyne Obama oo Booqasho Safar Taariikhi ah Ku Tegi doona Dalka uu Asal ahaan ka soo Jeedo ee Kenya oo Mudadii uu Xilka hayay aanu cago dhigiin

Washington 31.March 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyanaha Maraykanka Barack Obama ayaa qorsheynaya inuu booqdo waddanka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Kenya, iyadoo booqashadan noqon doonto tii ugu horreysay ee uu dalkaasi ku tago isagoo madaxweyne ah.

obaEric Schultz oo ah kuxigeenka madaxa warbaahinta ee Aqalka Cad, ayaa sheegay  in Madaxweyne Obama uu dhammaadka bisha July ka qeybgali doono shirka Caalamiga ah ee abuurista Ganacsiga.

Eric Schultz, wuxuu sheegay in madaxweyne Obama uu wadahadallo dhow geesood ah halkaasi ku yeelan doono, Eric ma uusan sheegin wakhtiga rasmiga ah ee safarka, iyo in madaxweyne Obama uu qorsheynayo inuu la kulmo iyo in kale qoyska reer Obama ee Kenya ku nool.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa inta uu xilka hayay wuxuu saddex jeer  booqday Africa, laakiin muusan tagin Kenya, halkaasi oo aabihii uu ku dhashay noloshiisa intiisii badnaydna uu ku soo qaatay.

Madaxweyne Obama ayaa laakiin wuxu booqday Kenya markii uu ka mid ahaa aqalka senate-ka Maraykanka.

Washington SDN/QJ

 

 

Comments are closed