Mayeedhaan Lagu Xardhay Halku dhigyo lagaga soo Horjeedo Musuq Maasuqa Kenya oo Layaab ku Noqday Bulshada
Nairobi 31.March 2015 (SDN/QJ):- Fajac iyo yaab ayay ku noqotay in badan oo dadweynaha ku dhaqan Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo lagu dhex-arkay Mayeedhaanka Dameeraha oo korkooda lagu soo xardhay weedho iyo hal-ku-dhegyo muujinaya heerka Musuqmaasuq baahsan oo lagu tilmaamayo inuu waddankaas ka jiro, sidoo kalena ka jiro tacaddi ka dhan ah Haweenku.
Arrintan ayaa ku soo beegantay markii Sabtidii toddobaadkan uu Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta shaqada ka joojiyey 5 Wasiir iyo 17 Saraakiisha kale ee Laamaha dawladda Madaxda ka ah oo isku noqonaya 22 Masuul.
22-kaas Masuul oo eedaymo musuqmaasuq la xidhiidha awgood uu uga joojiyey shaqada Madaxweynuhu Uhuru, waxa uu sheegay inaanay shaqo qaban karin inta laga dhammaystirayo baadhis lagu samayn doono eedaymo musuqmaasuq oo uu loogu jeediyey Warbixin Madaxweynaha loo gudbiyey oo uu diyaariyey Guddiga Anshaxa iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Kenya.
Hase-yeeshee, waxa in badan oo Bulshada dalkaas ka tirsan soo jiidatay tallaabada ay qaadeen dadkan isku hawlay inay iyagoo dareenkooda cabbiraya Dameeraha iyo Dameer-farawyada ku soo dul-qoraan kelmado ama weedho ay ku muujinayaan in musuqmaasuq dalka ka jiro, iyagoo ay jiraan xubno ka tirsan Masuuliyiinta Madaxweynuhu shaqada uga fadhiisiyey warbixinta musuq ee laga gudbiyey inaanay eeddaas qabin, halka qaarkoodna sheegeen inay is-casileen. Waxaanay ku muujiyeen weedhahan Dameeraha lagu dul-qoray dadka qoray in muqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta Masuuliyiinta dawladdu yihiin kuwo xadhkaha goostay.
Tirada Dameeran oo ahayd ama ka koobnayd illaa shan Dameer, waxaa lagu arkay waddooyinka magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya, kuwaasoo Dusha sare ee diirkooda ama saantooda lagu xardhay qalin Cas, waxaana weedhaha lagu dul-qoray ka mid ahaa; “Dalka Kenya waxa qallajinaya Musuqmaasuqa……Mudane Madaxweyne dalka waxa ka jira fadhato aad u badan….” Weedhahaas iyo kuwo kale oo macno ahaan ay wadaagaan ayaa lagu soo xardhay Dameeraha lagu arkay Suuqyada Caasimadda Nairobi Isniintii maanta.
Warbaahinta waddanka Kenya, ayaa si weyn u baahiyey warar iyo warbixinno ay ka diyaariyeen Mayeedhaankaas dareenka Bulshada Kenya qaarkeed qabto ee jiritaanka musuqmaasuq xadhkaha goostay, iyagoo sidoo kale, ku xidhiidhinayey tallaabada ay arrintani ku soo beegantay ee Madaxweynaha Kenya ka qaaday Masuuliyiinta dawalddiisa ka tirsan ee uu shaqada ka joojiyey laba cisho ka hor.