Wefdi uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Bristol(SAWIRO)
Bristol Mar 30,2015(SDN/QJ)-Waxaa xalay ka dhacday magaalada Bristol munaasibad balaadhan oo ay jaaliyada reer somaliland ee magalada bristol ay kusoo dhawayeen wasiirka madaxtooyada somaliland mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayey.
Munaasibadan oo ahayd mid aan loo kala hadhin oo ay kasoo shaqeeyen dhalinyarada somaliland society bristol ayaa waxay u dhacday si heer sare ah.
“waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa jaaliyada reer somaliland Bristol sida milgaha iyo sharafta leh eed noo soo dhaweysaan waanu idiinka mahadcelinaynaa, waxaanu jaaliyada ku la dardaarmay inay isku duubnadaa oo ay meel uga soo wada jeestaa qadiyada somaliland iyo ictiraaf raadinta somaliland” sidaa waxa Yiri Wasiir Xirsi.
Wwaxa iyaguna xafladaasi ka hadlay waftigi lasocday wasiirka oo ay uga mahadnaqeen jaaliyada bristol sid wanaagsan ee ay usoo dhaweyeen.