Dufcadii Kowaad ee Bulshada Reer Yemen oo Qaxoontinimo ku Yimid Magaalo Xeebeedka Berbera
Berbera 30.March 2015 (SDN/QJ)- Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in 32 qof oo Yemeniyiin ah oo ka yimid Ticis ay ka dageen dekedda Berbera ee Somaliland.
Hay’addu waxay sheegtay in dadkan ay muddo 12 saacadood ah ku soo jireen badda.
Dhinaca kale dowladda Soomaaliya iyo QM ayaa ka wada hadlay sidii loo daad-gureyn lahaa Soomaalida ku sugan Yemen.
Wasiirka arrimaha dibedda Somalia, Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa VOA u sheegay in UNHCR ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta qaxootiga Soomaalida ee Yemen ku sugan haddii mushkilad la soo kulanto.
Wixii Warar ah ee ka soo Kordha kala Soco Qurbejoog.com