|

Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Cirro oo ka Hadlay Shakhsiyada Alle ha u naxariistee Marxuun Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal)

Hargaysa 30.March 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayMarxuum Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo maanta 30/03/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay masuul qaran oo muddo dheer ka soo shaqaynaayey danta ummadda iyo ta qarankaba kana mid ahaa odayaashii ka qaybqaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka door muhiimana ku lahaa xeer dejinta dalka, isaga oo marxuumku ka mid ahaa xildhibaanadii u horeeyey ee dalku yeesho oo uu ilaa wakhtigana ka mid ahaa golaha baarlamaanka somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) wuxuu Tacsi u dirayaa Golaha Wakiilada Somaliland ,Shacabka Somaliland Gaar ahaana qoyskii iyo eheladii ,isagoo ka tacsiyadaynaya Geeridii Naxadinta Lahayd ee ku timi Marxuum Xildhibaan Prof. Mohamed Barkhad Miigane,oo maanta 30/03/2015 ku geeriyooday magaalada Boorama,marxuumkan oo ka mid ahaa mudanayaasha aqalka wakilada ee Awdal laga soo doortay.

Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun:
Guddoomiye Cirro ayaa ku sifeeyey ,Marxuumku wuxuu ahaa Xildhibaan Qaali ah oo waxbadan kasoo qaybqaatay dhismaha Wadankan & Haykalka dawladnimo, sidoo kale wuxuu ahaa Professor & Bare-sare oo kasoo qayb-qaatay Waxbarashada Jaamacada Somaliland.
Ehelkiisii, Qaraabadiisii, Asxaabtiisii, Ardaydiisii iyo Golaha Wakiilada & dhamaan Shacabka Somalilandba Ilaahay Samir & Iimaan haka siiyo, Marxuumkana Illaahay ha siiyo Dembi-dhaaf & Janatul-firdowsa.haka waraabiyo Aamiin.Aamiin

Comments are closed