|

Hakad Ku Yimi Duqayntii Sucuudigu Ka Waday Dalka Yemen Sababta Oo La Sharraxay

Sanca:Mar,30,2015(SDN/QJ0-Duqaymihii Diyaaradaha Dagaalka Sucuudigu ka wadeen Dalka Yemen ayaa muddo kooban la Hakiyey, iyadoo sababahana sharraxaad gaaban laga bixiyey.

ekAfhayeen u hadlay Milateriga Sacuudiga General Ahmed Asiri oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in muddo laba  saacadood ay joojiyeen weerarada cirka, sababo ku aadan dalka Pakistan oo muwaadiniintiisa kala baxaya Yemen.

Maraakiib ay leeyihiin Pakistan oo ku soo xidhay Cadan ayaa la sheegay inuu daad-gureynayo muwaadiniintiisa ku sugan Yemen, iyadoo Pakistan ka mid yahay isbaheysiga Sacuudiga hogaaminayo ee weerarada ku qaaday Xuutiyiinta.

Sidoo kale dowladaha Hindiya iyo Shiinaha ayaa iyana boqolaal ka mid ah muwaadiniintooda kala baxaya Yemen, kadib markii qalalaasaha dalkaas uu sii xoogeystay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Sacuudiga uu ka daad-gureyay Cadan diblomaasiyiintiisa, kadib markii uu bilaabay howl galka milateri.

Dhinaca kale General Ahmed Asiri ayaa sheegay in guulo la taaban karo ay ka gaadheen duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta, ayna bur buriyeen saldhigyo milateri oo ay Xuutiyiinta ku lahaayeen Sanca, Sacda, Hudeydah, waxaana uu intaa ku daray in gantaalo ay lahaayeen Xuutiyiinta la bur buriyay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed