Wasiir Waran-cadde Iyo Taliye Fadal Oo Horbooday Kooxo Al-baabada u Laabaya Xarunta Akhriska Ee Gandi Library Iyo Ciilka Bahda Waxbarashada Oo Cirka Isku Shareeray
Hargeysa:Mar,30,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa u yeedhay Mahad ismaaciil Gaandi oo ah Shakhsiga Gacanta ku haya Xarunta Akhriska ee Gaandi Library, waxana ay ku wargeliyeen Inuu muddo kooban Buugaagta iyo wixii kale eek a yaalla kaga urursado Goobtaas.
Sida Mahad uu warbaahinta u sheegay, waxa ay labadaas masuul sheegeen in xaruntaas xukuumaddu uga iibisay Ganacsadaha ina Faarax Xarbi, isla-markaana haatan loo fulinayo arrintaas si ay meeshaas u helaan.
Mudane Mahad ayaa sheegay in labadan masuul ku wargeliyeen inuu Buugta iyo iyo agabka kale ee Akhriska ee Halkaas yaalla uu meelo kale u qaato, meeshana ku banneeyo amarkooda ka hor inta aan Gacanta loola iman oo aan Si Xoog ah meesha looga qaadin.
Mahad Ismaaciil Gaandi, ayaa labadan masuul u sheegay inaanu ka guraynin Buugaagta iyo agabka waxbarasho ee Halkaas yaalla, maadaama Goobtaasi tahay goob aanu si gaar ah u lahayn, isla-markaana ay tahay Xarunta Da’yarta Reer Somaliland wax ku akhristaan ooh anti u ah.
Masuuliyiintan oo madaxtooyadu amarkan soo siisay, ayaa ku hanjabay inay xoog kaga rari doonaan haddii aanu qaadanin amarka la duldhigay, waxana ay xuseen in yeedhmadoodu tahay sharci la fulinayo oo aanay kaftan geli Karin.
Ma jiro wax ogolaalsho ah oo Masuuliyiintani ka heleen Mahad Ismaaciil Gaandi, waxana labada dhinac isku muujiyeen inaan awaamiirtooda la qaadan doonin, iyadoo haatanna wakhtigu socdo oo la filan karo in Xukuumaddu si xoog ah goobtaas ugu fuliyo ilma xarbi oo ay u muuqato inay Reer Ahaan goobtaas istaraatiijiga ku heleen.
Xaruntan, ayaa hore u ahaan jirtey Madbacaddii qaranka, waxase markii Somaliland dib u dhalatay Goobtaa gacanta ku qabtay Mahad Ismaacil Gandi, kaas oo ka dhigay Xarun Da’yarta waddanku wax ku akhristaan, waxana ka aflaxay malaayiin Haatan mutacallimiin ah oo ka helay Buugaag iyo macluumaad kale oo muhiim ah, iyadoo dalkaba aanay ka jirin xarun wax akhris oo aan tan xukuumaddu xidhayso ahayni.
Goobo badan oo sidan oo kale ah ayey xukuumaddu Albaabada u laabtay, iyadoo ku wareejisay Ganacsadayaal aan waddanka wax faa’iido ah u keenin, marka laga reebo badeecado lagu beddelanayo Lacago Adag oo dalal dibadeed laga keeno, waxana arrintani keeni kartaa Nacayb iyo kacdoon Ka yimaadda dhallinta waxbarashada ku hawllan.
Hore ayey xukuumadda oo ay masuuliyiinta Amnigu hoggaaminayaan iskugu dayeen inay xaruntaas ugu wareejiyaan Ganacsadahaas, balse waxa Arrintaas is hortaagtay wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, waxana ay muujisay Hiilka Waxbarashada, balse maanta oo ay Meeshii ka tagtay ayey madaxtooyadu kusoo dhiirratay inay Xaruntaas ku darto Malaayiinta dhisme ee Suuqa madow lagu kala iibsaday.
SDN/QJ