KHUDBADII MADAXWAYNAHA MAXAA KAGA BAXAY; BY FAISAL FARAFIDIY
Waxaan halkan ka salaamayaa akhristayaasha sharafta leh waxaanaan ku salaamayaa salanta ISLAMKA ee ASALAMU CALAYKUM, Waxaan salaanta mid la mid ah hawada u marinayaa bahwaynta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
Waxaan bogaadin iyo hambalyoba hawada u marinayaa Haween waynaha bahwaynta Xisbiga Waddani guusha maanta uga soo hoyatay shirwaynihii garabka haweenka ee Xisbiga Waddani oo aan leeyahay waa guul u soo hoyatay bahwaynta Waddani waxaan mar labaad leeyahay hambalyo hambalyo hambalyo.
Qudbadii Madaxwaynu ka jeediyay kalfadhi sanadadeedkii labada gole waxay ka tarjumaysay guul darada xukumadeena marka aad dhuxdo tayadeeda oo aad iyo aad u liidatay iyo nuxurka ay xambaarsanayd oo aan odhan karo may ahayn mid uu madaxwayne la soo hor istaago xildhibaanada labada gole iyo shacbi waynaha xariirta ah ee Somaliland.
Qudbadaasi waxay i xusuusisay qudbadihii keligii taliyihii maxamed Siyaad Bare ka jeedin jiray aqalkii umadda ee xamar iyo tusaaloyinkii kacankii burburiyay dalkeena,
1. Waxaa mamnuuc ahayd in cidi suaalo waydiiyaan Siyaad Bare.
2. Waxaa hoolka Siyaad Bare ka hadlayo laga soo buuxin jiray Haween durbaano sita oo mamo khadijii soo abaabushay iyo guulwadayaal sacabka aan kala goonin.
Labadaa masaloba waxay ku arkaynay inay ka daceen xaruntii uu Madaxwaynihu ka hadlayay, waxaa ayaan darro ah inaynu 23 sanadood ka bacadii dib u akhrisano bugaagtii Siyaad Bare iyo tabihiisii oo weli uu Axmed Silaanyo oo ka mid ahaa Halgamayaashi inuu isagu Boodhka ka tumo, taasi waxay ina daransiinaysaa inaanu Axmed Silaanyo daacad ka ahayn Halgankii SNM ee dalka lagu xoraynayay ee uu ujeedoyin u gaar ahi u qarsoonayd.
Wax fool xumo ah inaad ku dhaqanto wixii aad shalayto ninkii kaa horeeyay ku dhaleeceyn jirta ama aad ku dhalili jirtay oo ah ta uu maanta ku kaco Axmed Silaanyo.
Waxaa fool xumo wayni ka muuqatay Borotakoolka Madaxtooyada oo aynu arkaynay madaxwaynuhu marka uu dhameeyo boga waraaqda uu akhriyayo inaan daba taagan oo si fool xun uga dhufanayay taas oo ahayd fadeexad aad iyo aad u xumayd oo dadwaynaha qaar u arkayeen in haddii aan laga dhufanin inuu mar labaad akhriyo oo hal bog ku cel celiyo iyada oo bannaanka soo dhigtay arintii ku waajahnayd cafimaadka madaxwaynaha ee mudada dheer warbaahintu qaada dhigaysay.
mala waxaa u sabab ah borotakool xumadda mujaahid Xirsi oo beryan saaxada ka maqnaa baa u sababah baan anigu is idhi.
Nuxurkii qudbada;
1. Waxay u ekayd inuu madaxwaynuhu boog akhriyay oo aanu qudbad umadda iyo xildhibaanad toona u jeedinayn taasna waxaad ka dareemaysay inuu madaxwaynihu waraaqda uunku foorraray ee aanu mar qudha madax sare ula kicin ama aannu eegin darreen dadka uu qudbada u jeedinayo.
2. Maamul gobaleedka Butland Madaxwaynehooda baa tilfoonka rali gelin inaga siiyay , waa hadal aad iyo aad uga fog luqada diblamaasiyada oo aan ku fiicnayn afka madaxwaynaha ee ay ahayd inuu si ka qurx badan hadalka qaawan u dhigo.
3.Wadahadalada Somaliland iyo Somalia wuxuu madaxwaynuhu cadeeyay in wadahadaladaasi fashilmeen oo mar kastaba Somalia jebiso heshiiskii la gaadho isla markana wuxuu sheegay inuu ku si soconayo fashiladaas oo uu si waday taas oo aan ahayn tallo madxwayne ee ay ahayd inuu goaan adag qaato.
4. Nabadgeliyada waxa uu madaxwaynuhu sheegay inay meel fiican marayso, waxaynu ognahay in hoos u dhac wayni ku yimid nabadgelyada oo tiraba laba goor ciidamo hubaysani dagaal la galeen ciidankeena Caasimada dhexdeeda oo ay ugu danbaysay tii tiyaatarka ka dhacday, dilalkii oo sare u kacay, nabadgelyo xumi ka jirta gobolka awdal oo badhasaabku sheegay in jid gooyo la dhigtay, gaadiid la dhacay iyo inay tiroba qabteen saddex goor qoryaha culcus oo laga keenay Butland.
waxaynu ognahay in fadhiisamadii ciidanka ee gobolka sanaag bari dib loo soo raray.
5. Doorshooyinka;
Doorashooyinka qabsooidooda waxa ka masuul ah xukumad, komishanka doorashooyinku waa adeegayaal farsamo iyo inay siidhiga u qabtaan kala saarka laakin qabsoomida doorashooyinka waxaa ka masuul ah xukumada talada haysa.
Tusaale madaxwayne Daahir Riyaale wuxuu ku faanaa inuu afar doorasho qatay oo si fiican u dhaceen haddii komashinka doorashooyinki masuul ka yahay qabsoomida doorashooyinka muxuu sheeganayaa, ta kale muxuu Axmed Silanyo ugu canbaarayn jiray markii uu mucaaridka ahaa xukumadii Riyaale.
Xukumadeena iyo Xisbiga kulmiye waxay ku eedeyaan dib u dhaca doorashooyinka Golaha wakiilada waxaa is waydiin muddan golaha wakiiladu ma Xisbiyada mucaaridka uun baa fadhiya, meeye xidhibaanadii kulmiye ee sheegan jiray 52 yihiin.
Waxaan leeyahay mudane Madaxwayne umaddu waxay kaga fadhidaa sababta ay doorashadii aad horay u tidhi maalin dib u dhicmayso ee wakhtigeedii ba dhacaysaa waxay dib ugu dacday oo ay wakhtigeedi ugu dhici wayday Somalidu waxay ku maah maahda faladhi gil gilasho kagama godee?
Mudane Madaxwayne sharcigu wuxuu ku siinayaa 5 sanadood ,markay dhamaatona in doorasho dhacdo haddii ay dhici waydona in tallo qaran laga yeesho xaalka dalka ee ha sugin muddo kordhin dalka iyo dadkuba way ka daaleen waxanay dadwaynuhu qabaan inaan dalku iyo dadku ka bad baadayn muddo kordhin iyada oo maanta ay labaduba liitan.
ALLA MAD LEH
WADDANIGA DHABTA AH
FAISAL FARAFIDIYE