Aragtiyada kala Durugsan ee Muxaafidka Iyo Mucaaridku ka qabaan Mudada loo Kordhin Xukuumada Siilaanyo
Hargeisa 30,March 2015 (SDN/QJ)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac,Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa iyo Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay waxa laga yeelayo dib u dhaca doorashada kadib khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay Aqalka Baarlamaanka oo uu ku sheegay in doorashadu dib u dhacday eedeedana ay cidda lihi soo bixi doonto.
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka tirsan Waddani, ayaa ugu horayn ka hadlay waxa la yeelayo maadaama Madaxweynaha qaranku iftiimiyay dib u dhaca doorashada waxaanu yidhi “Talada ka hor waxaa Madaxweynaha la gudboonayd inuu iscasilo sababtoo ah 4 jeer ooh ore waxa uu labada gole ka hor sheegay inaan maalin loogu darayn Doorashada,maalintii u dambeysayna wuxuu la soo hor fadhiistay doorashadii qabsoomi mayso.
Waxaanu leenahay wax damaanad u ah Qabsoomida garan mayno laakiin waa in lagu qabtaa marka la dhameeyo diwaangalinta Codbixiyeyaasha bisha November, waana in Madaxweynuhu amar ku soo bixiyaa oo doorashada la qabtaa bisha December 2015-ka”.
Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac, oo Kulmiye ka tirsan islamarkaana hadalka Xildhibaan Buubaa tix raacaya ayaa isna yidhi “Waxaan leeyahay horta Afka Waddani Madaxweynuhu iskuma casili karo oo waxbuu qabtay, dad baana doortay hadalkaasina Waddani nagama qabto”.
Xildhibaan Xaamud, oo Waddani ka tirsan ayaa isna aragtidiisa soo bandhigay “Horta waxaa la yidhi haddii waxa aad doonayso aad wado waxaad ka fursan waydo ayaa la yeelaa, Madaxweynuhuna wuxuu shalay sheegay in arrimaha hanaan wada tashi lagu dhameeyo, markaa Saddexda Xisbi Qaran taageero buuxda ayay komishanka siiyeen waxayna ila tahay in lagu talo galo habka Komishanku yidhaahdo waanu ku qaban karaa doorashada”
Labada Xildhibaan ee Mucaaradka ah Ibraahin iyo Xaamud, ayaa ku dooday in wakhtiga ugu haboon doorashadu ku qabsoomayso lagu saleeyo Muddo kordhinta loo samaynayo Xukumadda, balse Xildhibaan Nac-nac oo Kulmiye ah ayaa ku dooday in arrintaasi iyo jadwalka kordhinta ay tahay Masuuliyad u taala Golaha Guurtida Somaliland oo iyagu xaq u leh muddo kordhinta Madaxweynaha.