|

Gudomiyaha gudida Ictiraafradinta somaliland ee Iskandanavianka iyo xubno ka mida Jaaliyada Denmark oo kulan la yeeshay wassiirka arrimaha dibeda Demark

Copenhagen Mar 2015(SDN/QJ)-Gudomiyaha gudida Ictiraafradinta somaliland  ee Iskandanavianka  Abdirizaq Ahmed Ina-afqaraf oo ay weheliyaanGudoomiye kuxigeenka Jaaliyada Somaliland ee Danmark Marwo Ikran Hussein Warsame iyo siyaasi Amb Abdirizak Diinaari Ahmed ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arimaha DIbadda H. E Minister Martin Lidegaard.

Qoraal kulankan ku saabsanaa oo uu soo saaray gudida Ictiraafradinta somaliland  ee Iskandanavianka  Abdirizaq Ahmed Ina-afqaraf ayaa sidan u dhignaa:

Waxaa Maanta sida ka muuqata muuqalka sawirada oo aan la sawiranahay labada wasiir ee kan arimaha dibada iyo kan hormarinta iyo ganacsiga Danmark igu soo Casumey High Panel meeting ah oo Ey Soo Qaban Qaabisey DIIS (Danish Institute for International Studies) ee Calaamiga Aan Manta kaga Qeyb Galley Magaladda Copanhegan. Ayaan waxanu u gudbiyey laba warqadood oo xiran oo ku kala socta labada wasiir.

Wasiirka Arimaha DIbadda H. E Minister Martin Lidegaard  nuxurka warqada waxa ku qornaa taariikhada,qaddiyadda Somaliland iyo Positionka Somaliland ka taagan tahay Wadahadalkii burburay ee u dhaxeyey Somaliland iyo Somaliya sidii lagaga wada hadli laha arimaha  masiirga, In Somaliland iyo Danmark xiriirka xaga hormarinta ay Danmark sii wado iyo In Danmark aqoonsato Somaliland madama ay Somaliland buuxisay shuruudaha caalamiga ee dal lagu aqoonsado.

waxa kale oo wasiirka Horumarinta iyo Ganacasiga ee Denmarka H.E Morgen Jensen iga aqbal dalab aan ka codsaday in Danmark noo dhisto oo gacan buuxda naga siiso iskuulo farsamada gacanta lagu barto oo Danmark maalgaliso ilaa macalimiin khibrad u lehna keento si dhalinta dugsiga sare ka baxda ay u bartaan xirfado ay ku shaqeystaan. Waxaan rajeynayaa dhawaan in aan soo macsuuno wasiirka tacliinta sare ee S/Land si himiloyinkan aan soo dhamaynay uu inta hadhay u dhamaystiro

 

Kulankii maanta oo jimca ah oo taariikhdu tahay 27-03-2015 waxa u ku soo dhamaaday jawi aad u heer sareeya waxana igala qayb galay

Gudoomiye kuxigeenka Jaaliyada Somaliland ee Danmark Marwo Ikran Hussein Y. Warsame iyo siyaasi Amb Abdirizak Diinaari Ahmed iyo anigo ah Gudomiyaha gudida Ictiraafradinta somaliland  ee Iskandanavianka  Abdirizaq Ahmed Ina-afqaraf.

mmministerm

 

“Wixii Rag u Kaco Rabina aqbalo Wa La Arka”

Waxa mahad oo dhan iska leh Allah

Comments are closed