|

“Qorigan Ugu Dambeeyey Waa Kii saddexaad ee intii aan joogay aanu qabano, Waana laga yaabaa inaad Berri aragtaan Madfac Magaalada Kusoo dhacay.” Gudd. Ramaax

Borama:Mar,29,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan(ramaax), ayaa Ka hadlay hub sharcidarro ah oo dhawaanahan ciidamada ammaanku ku qabteen Gudaha magaalada Borama si loogu caawiyo kooxda nabad-diidka ah ee uu hoggaamiyo Suldaan Wabar.

ramaaxGuddoomiye Ramaax, ayaa waxa  uu tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ay wadaan Qurbejoog u dhashay Gobolkaas, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka shaqaynayaan Burburka Nabadda Halkaas ka jirta.

Mudane Ramaax  waxa uu si gaar ah uga Hadlay Tiro qoryo ah oo ay gacanta ku dhigeen, kuwaas uu sheegay inay bateen muddadii uu xilka Guddoomiyenimo qabtay,

“Menasota dhib badan baa naga haysata, ragga halkaas degga en ee Boqo Boqolka Dollar Nabadgelyada kusoo diraya ee annaga noo hanjabaya ee Deggen Minosota waxan leeyahay kaalaya dalkiina wax u tara, laakiin Boqol Dollar oo xabad rasaas ah lasoo siinayo oo loogu talo galay in magaalada Lagu dumiyo, Xalay waxanu qabanay Qori loogu talo galay in Magaalada in lagu dumiyo, qorigaas ragga lacagtiisa bixinayey waxa ay ahaayeen Rag Magaalada kamid ah oo Qurbejoog ah,” ayuu yidhi Ramaax.

Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in Hubka gacanta lagu dhigay laga soo iibiyey Puntland iyo Goobo kale oo somaliland ku yaalla, isagoo xusay inaanay wax lala yaabo ahayn in la arko Madfac kusoo dhaca Gudaha Borama, waxana uu yidhi,

“Magaalada(borama) Dagaal baa ku waajahan wixii itaalkayaga ahna waanu la dagaallamaynaa, Marka aanu aragno qoriga weyn ee la iibinayo ma yeelayno, waana wax dhab ah oo dhacay waana qorigii saddexaad ee intii aan joogay aanu qabano, qorigan ugu dambeeyey ee aanu xalay qabanayna waxa laga iib keenay Puntland iyo Somalia, Waana laga yaabaa inaad Berri aragtaan Madfac  Magaalada Kusoo dhacay.”

Guddoomiye Ramaax oo Hadalkiisa sii wata uu si gaar ah uga Hadlay  Kooxo kamid ahaa Fallaagada Suldaan Wabar oo ayaamahan nabadda usoo laabtay, waxana uu caddeeyey in ciddii soo laabata la siin doono shaqo  ay ku qancaan, waxana uu yidhi,

“Ninka Halkaas iskaga yimaadda waxanu siinaynaa shaqo, waxanu usamaynaynaa dibudejin ama Gobolka ha Noqoto ama meel kale ha noqotee kuwii hore sidaanu u meelaynaya ayaanu u meelaynaynaa.”

Dhawaanahan waxa soo baxayey in Hoos u dhac weyni ku yimi kooxda Suldaan Wabar ee Dagaalka ku baaqday, waxase taas barbar socda inay haddana hoosta ka socota hubaynta iyo dhiirrigelinta kooxdaas oo ay wadaan Xubno Qurbejoog ahi.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed