Punt land oo Beenisay inay Somaliland ka Raaligelisay Hadal uu Madaxweyne Siilaanyo labada Golle ka Horsheegay
Hargeysa 29.March 2015 (SDN/QJ)- Puntland ayaa beenisey war uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaa in Madaxweynaha Puntland si shaqsi ah uga raalli geliyey gef qaar kamid ah wasiirrada Puntland ka galeen Somaliland, waa sida Siilaanyo hadalka u dhigaye.
Wasiirka war-faafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indho-Guran oo galabta magaalada Garowe shir-jaraa’id ku qabtey ayaa sheegay inaysan jirin wax raali gelin ah oo Madaxweyne Gaas u direy dhiggiisa Somaliland.
Indho-Guran ayaa sidoo kale sheegay in Puntland weli aaminsan tahay in Somaliland si dadban iyo si toos ahba u taageerto Al-shabaab.
“ma jirto wax raali gelin ah oo Madaxweynaha Puntland direy waa been abuur…Puntland waxay weli aaminsan tahay in Somaliland ay taageerto Al-shabaab” ayuu yidhi.
Puntland ayaa dhowr mar oo hore ku eedeysey Somaliland inay taageero siiso xoogaagga Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis iyo weliba in xubnaha Al-shabaab ee ka yimaada koonfurtu soo dhex maraan deegaanno ka tirsan Somaliland kahor intaysan soo gaarin buuraleyda magaalada Boosaaso koonfur galbeed kaga beegan.
Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtey eedeymaha Puntland iyadoo ku tilmaantey kuwo aan loo meel dayin oo gef ah islamarkaana wax u dhimi kara xiriirka labada dhinac ee markiisii horeba aan wanaagsaneyn.