|

Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Qaraxyadii Muqdisho Ka Dhacay, Ciidanka Ammaankana Amaan Usoo Jeediyey

Muqdisho:Mar,28,2015(SDN/QJ)-Qaraxyadii Ururka Al-shabaab kula wareegeen Hutel Makah Al-mukarama, ayaa waxa Ka Hadlay Madaxweynaha Dawladda Federal-ka Somalia oo haatan ku sugan Magaalada Sharm El Sheikh ee Dalka Masar, waxana uu tacsiyadeeyey Dadkii qaraxyadaas ku waxyeellobay.

Somalia's President Mohamud speaks during an interview with Reuters in MogadishuMadaxweynaha ayaa amaan usoo jeediyey Ciidamada Ammaanka oo iyagu si weyn ula tacaalay Kooxdii Halkaas la wareegtay, waxana uu tallaabo taariikhi ku tilmaamay sidii ay u badbaadiyeen Dadkii Rayidka ahaa ee Halkaas ku sugnaa.

Madaxweynaha ayaa dadkii ku dhintay weerarkaasi u rajeeyay in ilaah uu ka waraabiyo janada halka kuwa dhaawacmayna uu u rajeeyay in caafimaad uu siiyo Eebe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hay’adaha ammaanka waxa uu ka amray in ay baadhitaan deg deg ah ay ku sameeyaan weerarkii shalay ee Ciidamada Ammaanka ay Fashiliyeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkani aanu dib u dhac ku keeni Karin howlaha dowladda iyo dadaalka nabada lagu sugayo, islamarkaana la sii wadi doono dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee ka soo horjeeda xasilooni ay Soomaaliya hesho.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed