Madaxtooyada Oo Dabcisay Nacaybka Madaxweynihii ay Qasriga Kala Wareegtay, Tacsi Uu Soo Dirayna Markii Ugu Horraysay Kasii Daysay Warbaahinta ay Maamusho
Hargeysa:Mar,27,2015(SDN/QJ)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa markii ugu horraysay muujisay inay hoos u dhigtay Nacaybkii siyaasadeed ee ay uurka ugu haysay Madaxweynihii hore ee Somaliland md Daahir Rayaale Kaahin, waxana ay Warbaahinta ay Maamusho ku amartay in laga Baahiyo Tacsi uu soo diray oo ku socota Ehelka Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Marxuum Cilmi Kabaa.
Warka ku saabsan Dhambaalka Tacsida ee Madaxweynihii hore, ayaa si loo gaadhsiiyo War-baahinta Maxaliga, waxa faafintiisa loo adeegsaday Email-ka Wakaalladda Wararka ee Xukuumaddu, oo ciwaankiisu yahay solnanews@gmail.com.
Dhacdadan ugubka ah, ayaa sidoo kale, hawl-wadeenada War-baahinta Maxaliga iyo shacbiga Somalialand markii ay daawadeen, waxa ay arrintaasi ku noqotay mid isweydiimo faro-badan Maskaxdooda ku boobtay, halka qaarkood-na xasuustooda ka heleen farriimo ku saabsan qaabkii Xukuumaddu ka yeeshay kuwo la mid ah dhacdadan hadda qoyan, waxaana dadka xasuustooda dib-u-maalay qaarkood soo qaateen Rabi naxariistii Janno ha ugu deeqee geeridii ku timi Hooyadii dhashay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo sannadkii hore bilowgiisii ku Xijaabatey Magaalada Boorama ee Xarunta Gobollka Awdal, marxuumadaasoo aanu Geerideeda haba-yaraatee Madaxweyne Siilaanyo Tacsi u dirin, isla markaana warbaahinta Qaranka laga indho-saabay baahinta dhambaalo ay asxaabta Mucaaridka qaarkood u direen Qoyska Marxuumada oo uu Madaxweynihii hore kow ka yahay.
Geerida Marxuumadas oo Diin iyo dhaqan ahaan-ba ku waajib-yeeshay inay Madaxda Qaranka, sida Madaxweynaha, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiiladda], hoggaamiyeyaasha Asxaabta iyo shacbiga Somaliland ka Tacsiyadeeyaan hoggaamiyihii hore ee Qaranka, hase-ahaatee sidaan kor ku xusnay qasriga madaxtooyadu ha ugu horeeyee xukuumaddu ay ka muquuratay, dadka qaar ku noqotay “..Xaajo Nin la tuur-laa, Nin-na la toosan’..” “markii Geerida Daahir Rayaale hooyadii dhacday iska daa in Warbaahinta Xukuumaddu maamusho laga sii daayee, waxa Madaxtooyadu u quudhi waayday War-saxaafeed ay Madaxweynihii hore dhacdadaa kaga Tacsiyadeynayso, oo waxa ay ka xidhtay Afka. Inkastoo Guddoomiyhaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro uu dhacdadaa ka Tacsiyadeeyay Md. Daahir Rayaale Kaahin.” Ayey doodda layska waydiiyey arrintani iskugu biyo shubatay.
geesta kalena, Farriimo munaasibadeed iyo kuwo Tacsiyadeed oo Madaxweynihii hore ee Qaranka loo baahiyaa ha joogtee, waxa dhacday Mashaariic Xukuumaddiisu bilowgooda lahayd, hase-yeeshee dhamaystirkoodu kusoo beegmay intii ay xilka haysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in lagaga masuugo libinta bilowga Mashaariicdaa oo bilow ilaa dhamaad Taariikhda lagu soo ururiyey muddo xilleedka Xukuumadda KULMIYE, arimahaas oo aynu ka xusi karo Mashruuca Biriisha Cali-dhooqo ee isku xidha Xaafaddaha Biibsiga iyo Shacabka Magaalada Hargeysa.
Haddaba, marka laysu gee-geeyo arimahaas iyo qaar kaloo tiro-badan oo uu ka mid yahay Mashruuca Madaarada Hargeysa iyo Berbera ee dawllada Kuweyd bixisay cahdigii Md. Daahir Rayaale dalka hoggaankiisa hayey, balse intii Xukuumadda KULMIYE xilka haysay aan haba-yaraatee hal-mar aan lagu soo hadal-qaadin Xafladihii iyo Damaashaayadii Meherka iyo Arooskooda-ba Xukuumaddu isu-qabtey, waxa dhacdadan ugubka ah ee Maanta u muuqataa inay tahay mid kalgacal iyo garasho fiican aan ku iman, hase-ahaatee Xukuumadda talada-haysa baahinta Farriint-Tacsida Madaxweynihii hore ay uga jeedo xodxodasho cid-gaar ah ay isku jeclaysiinayso iyo ujeedooyin-siyaasadeed. Sidaa marka arimuhu yihiin, waxa marag-ma-doon ah in Farrinta Madaxweynihii hore ee hadda laga baahiyey War-baahinta Xukuumaddu maamusho ay tahay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com