Sucuudiga Oo Duqaymo Cirka ah Ka Bilaabay Dalka Yemen Iyo Diyaarado Xuutiyiintu Gacanta ku Hayeen Oo Uu Burburiyey
Sanca:Mar,26,2015(SDN/QJ)-Sucuudiga oo bilaabay Hawlgallo ay yemen ka fulinayso, taas oo jawaab u ah Dalab uu hore u diray Madaxweynaha Dalkaas Cabdul Rabbah Mansuur.
Qaraxyo iyo holac ayaa laga maqlayey Magaalada Sanca ee Dalkaas, waxana la Arkayey Gantaalo ku hoobanaya Xarumo saldhigyo u ah Maleeshiyada Xuutiyiinta.
Safiirka Dalka Sucuudiga u fadhiya dalka Yemen Jubayri, ayaa arrintaas ka Hadlay, waxana uu sheegay inay Difaacayaan Madaxweynaha Sharciga ah ee Dalkaas, isla-markaana la joojiyo tallaabooyinka ay Xuutiyiinta Dawladda ku Burburinayaan.
Safiir Caadil Aljubayri ayaa daboolka ka qaaday weerarkan lagu badh tilmaameedsaday saldhiga cirka Aldulaymi oo gebi ahaanba la burburshay.islamakana ay diyaaradahani beegsadeen xarrumo ciidan .Safiir.
Sidoo kale waxa la sheegayaa in tiro diyaarado ah oo Dawladdu lahayd, balse Xuutiyiintu gacanta ku qabteen la burburiyey oo meesha laga saaray.
Madaxweyneyaasha Dalalka Carabta ayaa toddobaadyada soo socda shir ku yeelan doona Magaalada Sharmasheekh ee Dalka Masar, waxana halkaas yaala Qoshe lagu abuurayo Ciidamo carbeed oo midaysan, kuwaas loo diri doono Dalka Yemen oo xaaladiisu gacanta kasii baxayso.
SDN/QJ