|

Wasiirkii Gaashaandhigga Yemen iyo Walaal La Dhashay Madaxweynaha Dalkaas Oo Gacanta u Galay Fallaagada Yuutiyiinta

Houti:Mar,26,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii Gaashaandhigga Dawladda qalalaasuhu ku kacay ee Dalka Yemen Mahamud Al-subaihi iyo Nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha dalkaasi ayaa gacanta u galay Maleeshiyada Shiicada  ee Xuuthiyiinta sida Kooxdaasi xaqiijisay.

dhocWasiirka, ayaa waxaa lagu xidhay Magaalada Houti, sida laga baahiyay Telefishinka Qaranka oo gacanta ay ku hayaan Xoogaga Xuuthiyiinta.

Afhayeen u hadlay Xoogaga Xuuthiyiinta oo lagu magacaabo Mohammed Abdulsalam, ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka uu ku xidhan yahay Magaalada Houti.

Wasiirka, ayaa waxaa la fillayaa in loo qaado Magaalada Sanca. Bishii hore waxa uu Wasiirku ka baxsaday guri ku yaala Magaalada Sanca, halkaa oo Xuuthiyiinta ay xabsi guri ku geliyeen.

Nasir Haddi  oo ah Ninka ay Madaxweynaha dalka wada dhasheen waxaa gacanta lagu dhigay isagoo dhaawac ah, xilli uu rasaas ku dhuftay nin la sheegay in ilaaladiisa uu ka mid ahaa.

Qalalaasaha ka taagan dalka Yemen, ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya, iyadoo dhanka kalana aanay  jirin  faahfaahin kasoo baxday Duqaymo Diyaaradaha Sucuudigu ka Bilaabay Goobaha Fallaagada Xuutiyiintu fadhiyaan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed